Kuuriyadda Waqooyi oo riday Gantaal cabsi-geliyay Mareykanka

Image

SEOL - Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaal ku ridday badda xilli dublamaasiyadda ugu sarreeya Maraykanka uu shirar ku lahaa caasimadda Kuuriyada Koonfureed ee Seol.

Milatariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in gantaalka loo soo riday dhanka bari waxyar kadib markii xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu la kulmay Ku-simaha Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Choi Sang-mok.

"Ciidamadeenu waxay ogaadeen in la riday hal madfac oo loo malaynayo inuu yahay gantaal ballistic ah oo riddada dhexe," ayuu yiri milaterigu.

Kadib markii uu gantaalku ku duulay 1,100km (680 mayl), ka hor inta aanu ku dhicin biyaha u dhexeeya gacanka Kuuriya iyo Japan, millatarigu waxa ay sheegeen in Seoul "xoojisay ilaalinta iyo feejignaanta" duqeymo kale.

Gantaalka ayaa u muuqday mid ku dhacay biyaha, sida ay sheegtay Japan. Seoul waxay "wada shaqayn dhow la lahayd Maraykanka iyo Japan" wax ku saabsan bilaabista, milatariga koonfurta ayaa ku daray.

Wasaaradda difaaca ee Japan ayaa sheegtay in gantaalku uu ku dhacay meel ka baxsan aagga dhaqaalaha ee gaarka ah, mana jiraan warar sheegaya in waxyeello soo gaartay maraakiib iyo diyaarado.

Blinken iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed Cho Tae-yul labaduba waxay dhaleeceeyeen Kuuriyadda Waqooyi, iyadoo diblomaasiga ugu sarreeya Washington uu ku tilmaamay "xadgudub kale oo lagu sameeyay qaraaro uu soo saarey Gollaha Amaanka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM

Trump oo soo saarey Go'aan culus oo saameynaya Soomaaliya

Tallaabadan ayaa dhaliyay walaac iyo cambaareyn xooggan oo ka imaanaysa bulshada caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.

  • Caalamka

    05-06-2025

  • 10:55AM