Kuwait oo si caqliyeysan ugu jawaabtey Sweden

Image

KUWAIT - Dawladda Kuwait ayaa waxay go’aansatay in ay daabacdo 100,000 oo Qur’aanka Kariimka ah oo lagu turjumay afka Swedishka, si loogu qaybiyo dadka degan Sweden, tallaabadaas ayaa lagu tilmaamay jawaab caqliyeysan oo diblomaasi ah oo ku aaddan dhacdadii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka kariimka ah.

Wakaaladda wararka Kuwait ee “KUNA” waxay sheegtay in ujeedadu tahay in la cadeeyo dulqaadka diinta Islaamka, laguna faafiyo qiyamka Islaamka iyo in la gaaro in dhammaan bini'aadamka ay ku wada noolaadan jawi jacayl, lana muujiyo diidmada dareenka nacaybka, iyo xagjirnimada.

Xarunta Isgaarsiinta Dowladda Kuwait ayaa sheegtay in tallaabadan la qaadi doono iyadoo la kaashanayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sweden si dalkaas loogu qeybiyo Qur’aanka.

Dhankeeda, Hay’adda Guud ee Qur’aanka Kariimka iyo Sunnada ayaa ku dhawaaqday in la bilaabay daabacaadda 100,000 oo Qur’aanka Kariimka ah oo lagu turjumay afka Swedishka, iyada oo fulinaysa go’aanka dawladda Kuwait.

28-kii June ayey eheyd markii oo nin ku dhaqan dalka Sweden - asal ahaan Ciraaq ah - oo lagu magacaabo Silwan Momica (37 jir), oo jeexay nuqul ka mid ah kitaabka Quraanka Kariimka ah, kadibna ku gubay afeefka hore ee masaajidka dhexe ee Stockholm.

Dhacdadaan ayaa timid kadib markii ay booliisku u oggolaadeen inuu sidaas sameeyo iyaga oo cuskanayo go'aan ay soo saartey maxkamadda. Go'aankaas ayaa dhaliyey hadal heyn badan iyo mowjado cambaareyn ah taasi oo ka timid dalalka carbeed iyo Caalamka Islaamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM