Labada Kuuriya oo is-dhaafsadey gantaalo ku dhacay aag halis ah

Image
Xukuumadda Pyongyang ayaa ka gadoodey dhoolatus wadajir ah uu Mareykanka qeyb ka yahay.

SEOL, South Korea - Dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa labadooduba markii ugu horeysay riday gantaalo ku dhacayay biyaha lagu muransan yahay oo midba midka kale uu sheegto.

Seoul ayaa aargoosatay Arbacadii saddex saacadood ka dib markii Pyongyang ay ridday gantaal ku dhacay meel wax ka yar 60km (37mi) magaalada Sokcho ee koonfurta.

Milateriga Koonfurta ayaa sheegay in tani ay tahay "wax aan la aqbali karin" oo lagu xad-gudbay dhulkooda waxaana ay rideen saddex gantaal oo cirka iyo dhulka ah.

Saraakiisha ayaa waxay sheegeen in gantaaladda ay ku dhaceen masaafo la mid ah khadka Northern Limit Line (NLL) oo ah xuduuda dhanka badda ee labadda dal u dhaxeysa.

Khadka xadaynta ayaa calaamad u ah barta-dhexe ee badda ee u dhaxaysa Waqooyiga iyo Kuuriyada Koonfureed, laakiin Kuuriyadda Waqooyi waligeed ma aqbalin soohdinta.

Talaadadii Kuuriyada Waqooyi ayaa ka digtay in Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka ay la kulmi doonan "cawaaqibkii ugu xumaa ee taariikhda" haddii ay sii wadaan dhoolatuska milatari ee wadajirka ah, oo loo arko hanjabaad qarsoon oo ah isticmaalka hubka nukliyeerka.

Kuuriyadda Waqooyi ayaa la filayaa in ay dib u bilowdo tijaabada hubka Nukliyeerka dhawaan ka dib shan sano oo nasasho ah, iyadoo sirdoonka Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay sheegeen in Pyongyang ay dhameystirtay dhammaan diyaargarowgii loo baahnaa.

Gantaalada ay isugu jawaabeen labada dal ayaa ku soo beegmaysa xilli baroor-diiq qaran ay ka socoto Kuuriyada Koonfureed ka dib markii shacab isugu soo baxay Seoul ay is-buurteen taasoo dishay 150 ruux.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad diiday codsiga Netanyahu ee hakinta dhagaysiga dacwad musuqmaasuq

Dacwadda koowaad, Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa lagu eedeeyay in ay ka heleen taajiriin hanti badan oo lagu qiyaasay $260,000.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 12:32PM

Trump oo Hanjabay inuu Maxkamad la Tagayo The New York Times iyo CNN

Warbaahinta CNN ayaa si buuxda u difaacday shaqaalaheeda, iyagoo sheegay in warbixintoodu ahayd mid sax ah.

  • Caalamka

    27-06-2025

  • 07:32AM