Labo askari oo ka tirsanaa ilaalada xadka Sucuudiga oo la diley

Image

April 4, 2015 (GO)- Ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ilaalada xadka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku geeriyoodey is-rasaaseyn dhex martey militeriga Sucuudiga iyo mileeshiyaadka Xuuthiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sucuudiga ayaa lagu sheegay in koox ka tirsan Xuuthiyiintu weerar gaadmo ah kusoo qaadeen goob fariisin u ah ciidamada ilaaliya xadka oo ku taal koonfurta magaalada Dahraan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii labaad ee noociisa ah laga soo bilaabo markii Sucuudiga iyo xulafadiisu bilaabeen hawlgalka loogu magac darey (Duufaanta Go'aan Adeygga).

Boqortooyada Sucuudiga oo xad dheer la leh Yemen ayaa cabsi xooggan ka qabta in qalalaasaha siyaasadeed ee Yemen  ka socdaa ammaankeeda saameyn ku yeesho.

Hawlgalkan oo Sucuudigu hormuud ka yahay ayaa bilowdey March 26, 2015, markaasoo in ka badan boqol diyaaradood oo kuwa dagaalka ahi duqeymo ka fuliyeen gudaha dalka Yemen.

Goobaha sida gaarka ah loo bartilmaameedsadey waxaa kamid ah fariisimaha iyo keydadka hubka ee mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ciidamada daacadda u ah madaxweynihii hore ee Yemen Cali Cabdallah Saalax.

Mileeshiyaadka oo dib uga baxey Cadan

Mileeshiyaadka Xuuthiga iyo ayaa dib uga baxay bartamaha magaalada Cadan kadib markii ay iska caabbin xooggan kala kulmeen ciidamada daacadda u ah Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansour Hadi.

Dib u gurashada Xuuthiga waxaa sidoo kale ugu wacan duqeymaha xiriirka ah ee diyaaradaha Sucuudiga iyo xulafadiisu la beegsanayaan.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dagaalka ka soconaya dalka Yemen labadii todobaad ee ugu dambeeyey oo qura ku dhinteen 500 qof in ka badan 1,700 oo kalena ku dhaawacmeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ka dhigan tahay ka bixitaanka United Arab Emirates ee OPEC?

Ururkan waxaa la aasaasay sanadkii 1960 magaalada Baghdad ee caasimadda dalka Iraq…

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 04:37PM

Bahrain oo jinsiyadda kala noqotay 69 qof oo lagu eedeeyay taageerada weerarrada Iran

Tehran waxay ku eedeysay dalalka la beegsaday inay u oggolaadeen Mareykanka inuu weerarradiisa ka fuliyo dhulkooda.

  • Caalamka

    28-04-2026

  • 05:26AM