Labo Falastiiniyiin ah oo ku dhintay Duqeyn Israel ka fulisay Gaza

Image

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqeyn waxay ka fuliyeen magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin, xilli shacabka dalkaasi ay samaynayaan dibadbaxyo looga soo horjeedo go'aankii Trump Qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Israel.

Ugu yaraan labo Falestiiniyiin ah ayaa ku dhintay qaar kalena way ku dhaawacmeen duqeybta oo ay gaysatay diyaarad Drone ah taasi oo ay leeyihiin ciidamada Militariga Israel.

War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin aaa lagu sheegay in labada ruux ee ku dhintay duqeynta Israel ay yihiin xubno katirsan ururka  Islamic Jihad oo ku sugnaa xaafada Beit Lahia ee waqooyiga magaalada Gaza.

Militariga Israel ayaa beeniyay in weerarka ay ka dambeeyeen.

Israel ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah magaalada Gaza oo gacanta ay ku hayaan Xoogaga Xamaas si ay uga hortagto gantaallada deegaanadeeda looga soo tuuro magaaladaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM