Labo gabdho oo lagu dhaawacay weerar loo adeegsaday Toorey

Image
Nin tuhmane ah oo 39 jir ah ayaa laga soo qabtay meel u dhow dhismaha dugsiga ee degmada Neukolln.

BERLIN, Germany - Labo gabdho ayaa ku dhaawacmay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay dugsi hoose oo ku yaalla magaalada Berlin, sidda ay mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka ay sheegeen.

Taliska Booliska oo war-saxaafadeed kooban soo saarey ayaa sheegay in gabdhaha oo da’doodu ay kala tahay 7 iyo 8 jir ay dhaawacyo halis ah ka soo gaareen weerarka.

"Dugsiga waxaa baaraya asxaabteena, dhammaan ardaydii kale waxaa lagu wareejiyay waalidkood gacan ammaan ah ayayna ku jiraan," ayuu taliska booliska ku soo qoray Twitter.

Nin tuhmane ah oo 39 jir ah ayaa laga soo qabtay meel u dhow dhismaha dugsiga ee degmada Neukolln. Hase ahaatee, lama soo bandhigin fahfaahinta shaqsiyadiisa sidda magaca iyo sawirkiisa.

Ma jiro faah faahin deg deg ah oo ku saabsan sababta tuhmanaha uu u geystay weerarkan iyo haddii ay ogaayeen dhibanayaasha. Warar aan si dhab ah loo hubin waxay sheegayaan inuu la xiriiro cunsuriyad.

Weerarada loo geysanayo xarumaha waxbarashada ayaa sanadihii lasoo dhaafay kusoo badanaya dalalka reer galbeedka waxaana arrintan ay walaac ku abuurtey qoysaska ardayda dhigata iskuulada dowliga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM