Lamaanaha gulufka Ruushka ee Ukraine doorad-siiyey dhimasho
KYIV, Ukraine - Magaala xeebeedka Mariupol ee dalka Ukraine ayaa waxaa burburiyay duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Ruushka. Sergey Vaganov oo 63 jir ah iyo xaaskiisa Iryna, oo 62 jir ah, ayaa maalmo ku sugnaa guri hal qol ah oo ku yaalla bartamaha magaalada Mariupol iyadda oo gantaaladda ciidanka Putin ay harqinayaan magaalada muhiimka ah.
Sergey Vaganov ayaa dhimashada nafis mooday kadib habeeno badan oo ay duqeymo ku socdeen. "Waxaan ku fikirayay, maxaa naga go’i doona marka hore? Cunto ama Biyo? Mise bambo ayaa nagu soo dhici doonta?
Vaganov ayaa Aljazeera wareysi uu siiyay ku sheegay in aysan macno samaynayn in lagu dhuunta dhulka hoostiisa, sababtoo ah weerarrada ayaa ahaa kuwo isa soo taraya.
Waxa uu sheegay in maalmihii hore ay isku dayeen in ay ka fogaadaan daaqadaha iyo albaabbada si aysan muraayadaha u dhaawicin kuwaas oo daadanayay marka ay duqeynta dhulka gariiriso.
"Waxaan isku daboolnay saddex busto waxaana sugaynay geeri,” Vaganov ayaa sidaas yiri. "Markastoon maqalnaa guuxa diyaaradda, waxaan dareemi jirnay in ay soo ridi doonto afar bambo balse waxaan nafiseynay marka ay tuurto bambada, anagoo xaqiiqsan jirnay in aysan nagu dhicin".
Illaa 2014-kii, waxa uu ku noolaa bariga magaalada Donetsk ee inta badan lagaga hadlo afka Ruushka, halkaas oo sannado ka shaqaynayey, kadibna waxa uu ku guuleystay sawir-qaadis, taasoo uu ku mutaystay abaal-marinno kala duwan oo gudaha iyo dibadda ah.
Waxa uu sawiro ka soo gudbiyay mudaaharaadyo lagaga soo horjeeday afgambigii lagu riday madaxweynihii Ukraine, Viktor, oo u dhashay gobolka Donetsk, bishii Febraayo 2014 wuxuuna sidoo kale duubay dagaalkii xigay ee u dhexeeyay gooni ugoosadka taageersanaa Ruushka iyo ciidamada hubaysan ee Ukraine.
Waxa uu ka cararay Donetsk dabayaaqadii 2014, ka dib markii ay falaagada qabsadeen halkaasi, waxa uuna guri dabaq ah ka iibsaday magaalada Mariupol. Donetsk iyo Luhansk ayaa tobanaan kun oo qof laga soo qaaday markii ay si toos ah ula kulmeen weerarro ka dhan ah gooni-u-goosadka.
Qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa diiday ammaanta shakhsiyaadka sida aadka ah uga soo horjeeda Ruushka sida Stepan Bandera oo ciidamadiisa ay la safteen Nazi Germany kana qaybqaateen dagaalkii labaad ee Adduunka.
"Ma jiro xisbi weyn oo Ukraine ah oo xittaa isku dayay inuu halkaas olole ka sameeyo, golaha magaaladana waxaa ka buuxay siyaasiyiin taageersan Ruushka,” ayuu yiri Vaganov.
Dad badan oo degganaa magaalada waxay siyaasad ahaan iyo ciidan ahaanba taageereen fikradda Kremlin ee "Dunida Ruushka," ama xaqa Moscow ee "ilaalinta" kuwa ku hadla afka Ruushka ee Midowgii Soofiyeet.
Vaganov ayaa yiri, "Deriskayga waxay sugayeen imaatinka Ruushka, ayagoo faafiyay warar naxdin leh oo ku saabsan guutada Azov." Waxa uu sidoo kale sheegay markii khatarta weerarrada Ruushka ay sii korortay bishii la soo dhaafay, in dadka magaalada si weyn uga soo horjeesteen Ruushka.
Todobaadyo ka hor inta uusan bilaaban duulaankii Ruushka 24-kii Febraayo, Vaganov waxa uu ka qeyb galay tababar ciidan oo loogu talagalay "difaaca dhulka." Waxa uuna bartay sida la iskugu xir-xiro ama loo kala furfuro qoriga weerarka.
Laakin ma jirin tababar ama waayo-aragnimo dagaal oo ka caawin kartay ku noolaanshaha argagaxa duqeymaha cirka. "Waa wax aan faa'iido lahayn marka magaalo ay ku nool yihiin nus milyan qof lagu burburiyo bambooyin iyo gantaallo ," ayuu yiri.
Falanqeeyaha fadhigiisu yahay Kyiv Aleksey Kushch ayaa u sheegay Al-Jazeera in Ruushku uu garwaaqsaday in Mariupol ay sii wadi doonto iska caabinta. Duqeymaha joogtada ah ee uu ku hayo Mariupol waxay dileen in ka badan 2,300 oo qof, waxayna burburiyeen guryo badan, iyaga oo sababay koronto la’aan iyo biyo la’aan.
Waxuu sheegay in cuntada ugu weyn ay ahayd biyo oo aan la haysan wax kale. Isniintii ayaa dadka rayidka ah waxaa u suurto gashay in ay ka baxaan magaalada Mariupol tan iyo markii duqeymaha Ruushka bilawdeen.
Horraantii toddobaadkan, Vaganov iyo xaaskiisa ayaa waxay ku guuleysteen in ay ka mid noqdaan dadkaasi ayagoo raacay baabuur uu lahaa saaxiibkiis waxayna hadda joogaan magaalada Uzhgorod ee ku taala galbeedka Ukraine. Vaganov, oo hoos u dhacay 10 kiilo intii uu ku jiray go'doonka, ayaa la dhigay isbitaal si looga daweeyo xanuunka neefta.
GAROWE ONLINE