Australia: Lix qof ay saraakiil boolis ku jiraan oo toogasho lagu dilay

Image
Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa xusay in "maalin madow" ay u tahay Australia.

SYDNEY, Australia - Lix qof oo ay ku jiraan laba askari oo booliis ah ayaa la toogtay kadib markii rag hubeysan uu weerar gaadmo ah lagu qaaday dhisme ku yaala baadiyaha waddanka Australia.

Booliska ayaa sheegay in markii falku dhacay ay ka baadi goobayeen qof la la’yahay deegaanka Wieambilla oo 270 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Brisbane ee gobolka Queensland.

Kadib saacado iska-hor-imaad ah, booliska ayaa, sidda ay qortey saxaafada, wuxuu ku guuleystay in ay toogtaan saddexda dableyda. Balse, sababta weli ma cadda ujeedada weerarka.

Ra'iisul Wasaare Anthony Albanese ayaa xusay in "maalin madow" ay u tahay Australia. Xildhibaanka degaanka David Littleproud ayaa sheegay in weerarka uu bulshadiisa ka dhigay "kuwa tabar la'aan ah".

Afar sarkaal oo ka tirsan booliiska Queensland ayaa markii hore tagay guriga galabnimadii Isniinta waqtiga maxalliga ah ka dib codsi uga yimid booliiska New South Wales.

Matthew Arnold, 26, iyo Rachel McCrow, 29, ayaa la toogtay markii ay ku dhawaadeen aaggaas. Sarkaal kale ayaa waxaa soo gaaray "xabad daaq ah" midkii afraadna wuu ka baxsaday hantida.

Dhimashada waxaa baari doona dambi-baadhaha, jawaabta booliiskana waxaa baari doona taliska heerarka anshaxa ee ciidanka, si waafaqsan dhaqanka caadiga ah, sidda bileysku tibaaxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM