Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Image

Beirut, Lubnaan - Taliyaha ciidanka Lubnaan, General Joseph Aoun, ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee dalka Lubnaan kadib wareegii labaad ee codeynta baarlamaanka, taasoo soo afjartay Madaxweyne la'aantii ka jirta dalka tan iyo October 2022.

Joseph Aoun ayaa u baahnaa kaliya 65 cod si uu u noqdo madaxweynaha Lubnaan, waxaana uu helay tiradaas codadka maanta oo Khamiis ah. Markii uu gaaray tirada codadka lagama maarmaanka ah, xubnaha baarlamaanka ayaa si weyn u dabaaldegay.

Guusha Musharaxan ayaa timid ka dib taageero xooggan oo ay siiyeen dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka oo rabey inay Iran uga adkaadaan Lubnaan oo mudo-dheer saameyn siyaasadeed ku lahayd, waxaana Tehran taageeri jirtay Madaxweynihii hore Michel Aoun. 

Ka hor codeynta Maanta, waxaa jiray 12 isku day oo lagu doonayay in lagu doorto madaxweyne labadii sano ee la soo dhaafay.

Heshiis xabbad-joojin ah oo uu Maraykanku gar-wadeen ka ahaa oo lagu soo afjaray dagaal u dhexeeyay Xisbullah iyo Israa’iil bishii November ee la soo dhaafay ayaa u muuqda mid sidoo kale dadajiyay doorashadii madaxtinimo ee muddada dheer la sugayay.

Hezbollah waxay la kulantay dharbaaxo culus oo ka soo gaartay weerarka Israa’iil ee Lubnaan, kaas oo xigay ridistii madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad oo ay Iran taageeri jirtay, kaas oo dalkiisa u furay in uu ka gudbo hubka Xisbullah ee ka imaanayay Iran isagoo sii maray dalka deriska la ah ee Ciraaq.

Doorashadan ayaa laga dhaxlay rajo cusub oo ku saabsan in xukuumadda Lubnaan ay si degdeg ah u gaarto xalalka muhiimka ah ee la xiriira dhaqaalaha, ammaanka, iyo xasiloonida siyaasadeed. Joseph Aoun ayaa loo arkaa inuu yahay shaqsi ku habboon inuu hogaamiyo Lubnaan xilligaan adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM

Diyaarad Ethiopian Airlines leedahay oo loo diiday inay ku degto Israa’iil sababo la xiriira dhalashada duuliyaha

Dhacdadan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan habraacyada amniga duulista, gaar ahaan kaddib isku daygii afduubka diyaaradda Flydubai.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 07:06AM