Ma laga yaabaa in Putin dacwad lagu soo oogo?
MOSCOW- Tan iyo markii uu Ruushka ku duulay dalka Ukraine ayaa waxaa jiray baaqyo caalami ah oo sheegaya inuu weerarka joojiyo.
Madaxweyne Putin ayaa marnaba dhag jalaq usiinin fariimaha ay hawada soo marinayeen dowladaha Midowga Yurub ayagoo inta badan xanbaarsanaa dhaleeceyn iyo in uu joojiyo dagaalka.
Madax badan oo reer galbeed ah ayay kulmisay arintaan, kuwaas oo ku mideysan in uu Ruushka galay danbiyo ka dhan ah xuquuqda bini’aadanimadka ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Putin ku tilmaamay danbiile dagaal mar uu ka hadlayey colaada ka socota Ukraine. Saraakiil goobjoog aheyd ayaa sheegay in Mr. Biden uu qalbiga ka hadlay.
Si la mid ah waxaa ku eedeeyay Putin in uu yahay dagaal ooge madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky iyo Raysal wasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson.
Waa maxay danbiile dagaal?
Sida ay u dhigtay hay’adda caalamiga ah ee Laanqeerta Cas colaadduhu waxay leeyihiin qawaaniin caalami ah.Sharciyadan iyo kuwa kale oo caalami ah ayaa waxa ay ku xusan yihiin heshiiska lagu magacaabo Geneva Convention
Waxaa ka mid ah qodob sheegaya in aan shacabka si ulakac loo weerari karin, sidoo kalana aan la waxyeeleyn karin kaabaayaasha aas-aasiga u ah nolashooda.
Miinooyinka iyo kiimikada ayaa mamnuuc ah in la isticmaalo iyada oo sabab looga dhigayo waxyeelada ka dhalan karta.
Waxaa khasab ah in dhaawacyada iyo maxaabiista dagaal la xanaaneeyo. Danbiyadda sida dilka, kufsiga iyo culayska la saarayo dad khaas ah ayaa loo garan ogyahay danbiyo ka dhan ah aadanaha.
Waa maxay danbiyadda dagaal ee ka dhacay Ukraine?
Ciidamada Ruushka ayaa lagu eedeeyay in ay bambaanooyin la dhaceen masrax ku yaala magaalada Mariupol halkaas oo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.
In ka badan 1,000 qof oo rayid ah ayaa la sheegay in ay ku jireen dhismaha balse lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas.
Dowladda Ukraine ayaa horaan ugu eedeysay weerarkii isbitaalka Mariupol in uu ahaa danbi dagaal. Dhacdadan ayaa waxaa ku dhintay 3 qof halka 17 kalana ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Ruushka ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay beegsanayaan dadka ka baxsanaya colaadda.
Waxaa la sheegay in ay jiraan cadeymo cad oo muujinaya in la isticmaalay bambaanooyinka kala firdha kuwaas oo ku dhacay agagaarka goob ay ku noolaayeen dad rayid ah ee magaalada Kharkiv.
Boqortooyada Ingiriiska ayaa iyana sheegtay in Ruushku adeegsaday walxaha qarxa ee loo yaqaanno [thermobaric] kuwaas oo nuuga hawada ogsijiinka.
Inkastoo hubka noocan ah aan la mamnuucin haddana waxaa jira dad aaminsan in duullaanka xittaa loo aqoonsan karo danbiyo dagaal.
GAROWE ONLINE