Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Madaxweyne La Hadlay Warfidiyeeno Muddo 15 Saacadood ah

Image

Male, Maldives – Madaxweyne Mohamed Muizzu ayaa taariikh cusub ka dhigay dalka Maldives kadib markii uu warfidiyeenka la hadlay muddo ku dhow 15 saacadood, khudbad socotay laga bilaabo 10:00 subaxnimo ilaa 12:54 habeenimo, maalintii Sabtida, 3-da May 2025.

Shirka jaraa’id oo aan caadiga ahayn ayaa lagu beegay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka, taas oo Muizzu u adeegsaday in uu muujiyo sida dowladdiisu uga go’an tahay daahfurnaan iyo xushmeynta doorka saxafiyiinta. Madaxweynuhu wuxuu ka jawaabay su’aalo fara badan oo ka yimid ku dhowaad labaatan wariye oo  metelayey warbaahinta gudaha iyo kuwa caalamiga ah. Su’aalaha qaarkoodna waxaa ka soo kamid noqdey dadweynaha.

Shirka oo loo agaasimey si gaar ah, waxaa la siiyey wariyeyaasha cunnooyin iyo nasashooyin gaagaaban, maadaama uu socday muddo aad u dheer.

Dhacdadan ayaa ka dhigeysa madaxweyne Muizzu hoggaamiyihii ugu hadal badnaa ee shir jaraa’id qabta, isagoo jabiyey rikoodh hore oo uu sameeyey Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky sanadkii 2019, markaas oo uu la hadlay warbaahinta muddo 14 saacadood.

Sidoo kale, waxaa xusuus mudan in Maldives horey ugu caansanayd dhacdooyin ujeedadoodu tahay in lagu muujiyo arrimo muhiim ah; sida markii uu Madaxweynihii hore Mohamed Nasheed shirkii ugu horreeyey ee Golaha Wasiirada ku qabtay badda hoosteeda sanadkii 2009, si uu u muujiyo qatarta isbeddelka cimilada.

Xorriyadda warbaahinta Maldives ayaa sanadihii u dambeeyey isbeddel sameyneysay. Warbixin uu soo saaray ururka Reporters Without Borders ayaa muujisay in dalka uu hoos ugu dhacay kaalinta 106-aad ee liiska caalamiga ah sanadkii 2024.

Inkasta oo shirka madaxweynahu uu si weyn uga hadlayey gudaha dalka, haddana wali ma jirto hay’ad caalami ah oo si rasmi ah u diiwaangelisay rikoodhkan cusub. Si kastaba, dhacdadan ayaa si weyn loogu arkaa tallaabo muujinaysa isfaham iyo wadashaqeyn dhexmarta madaxda sare iyo saxaafadda.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM