Macalin caayay Diinta Islaamka oo shaqada laga joojiyey

Image
Machadka ayaa hadda lagu wadaa inuu lumiyo maalgelinta maxalliga ah sababta oo ah isku dhaca.

PARIS, France – Tobanaan aqoonyahanno Faransiis ah ayaa ka digay in xorriyadda hadalka ay halis ku jirto ka dib markii borofisar Jarmal ah shaqada looga joojiyay khilaaf isaga iyo arday siyaasadeed.

Klaus Kinzler ayaa muddo bilo ah u xirnaa muran ka dhashay eedeymo Islaam nacayb ah oo ka dhacay machadka caanka ah ee Sciences Po Grenoble.

Sababo la xiriira kiis ka dhashay eedaymo ku saabsan dhaqanka baabi'inta garabka bidix, machadka daraasaadka siyaasadda ayaa shaqada uga joojiyay "hadallo sumcad dil ah".

Machadka ayaa hadda lagu wadaa inuu lumiyo maalgelinta maxalliga ah sababta oo ah isku dhaca.

Laurent Wauquiez, hogaamiyaha garabka midig ee gobolka Auvergne-Rhône-Alpes, ayaa sheegay in la hakiyay kabkii sanadlaha ahaa ee €100,000 (£85,000).

Go’aankaas ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka siyaasadda Faransiiska u dhuun daloola, iyadoo afar bilood oo kaliya ay ka harsan tahay doorashada madaxtinimo oo uu madaxweyne Emmanuel Macron ku hogaaminaayo ra'yiururinta dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo bisha soo socota ee April ay fooda inagu soo hayso doorashada madaxtinimo, khilaafkan ayaa dhaliyay faallooyin siyaasadeed oo baahsan. Musharixiinta midigta-fog ayaa taageeray go’aanka lagu joojiyay maalgelinta machadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM

Trump oo si rasmi ah u taageeray ololaha doorashada Benjamin Netanyahu

Trump ayaa intaas ku daray in Netanyahu uu muujiyay adkaysi, geesinimo iyo karti, inkasta oo uu wajahayo mucaaradad xooggan.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:07PM