Madaxa WHO oo si naadir ah uga hadlay colaada Itoobiya

Image

WASHINGTON, US – Hadal dhif iyo naadir ah, aragti shaqsiyadeed, madaxa Hay'adda Caafimaadka Adduunka [WHO], Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa wuxuu ka hadlay "xanuunka shaqsi ahaan" ku hayso colaadda "kasii dareysa" ee waddankiisa Itoobiya.

"Marka lagu daro COVID, 2020 aad ayey iigu adkaatay aniga maxaa yeelay dalkaygu dhibaato ayuu ku sugan yahay," ayuu Tedros Isniintii ugu sheegay wariyeyaasha shirkii ugu dambeeyay 2020 ee cudurka faafa.

Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, oo sanadkii hore ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, ayaa amar ku siiyay ciidamada in la geeyo gobolka waqooyiga ee Tigreega 4-tii Nofeembar, isagoo sheegay in hawlgalku uu jawaab u yahay weerarro la sheegay in lagu qaaday xerooyinka ciidamada federaalka oo ay geysteen xoogaga xisbiga maamulka gobolka iyo Jabhadda Xoreynta Dadka Tigray ( TPLF).

Dagaalkii ka dhacay Tigray waxaa ku dhintay kumanaan qof, sida ay sheegtay hay'adda ka hortagga xasaradaha ee International Crisis Group, waxaa ku qaxay tobanaan kun oo qaxooti ah oo ka soo tallaabaya xadka ay la wadaagaan Suudaan.

Tedros, oo ah ninka ugu caansan adduunka ee kasoo jeeda Tigray, ayaa sheegay in uu ehel badan ku leeyahay gobolka dhibaatada ka jirto, "oo uu ku jiro walaalkay iga yar, mana garanayo halka ay ku sugan yihiin."

"Anigu iyaga lama aanan xiriirin maxaa yeelay isgaarsiinta ma jirto," ayuu ka dhawaajiyey.

Itoobiya ayaa xaddiday marin-u-helidda warbaahinta gobolka colaaddu saamaysay, Tigray-na waxaa gabi ahaanba ka maqnaa isgaarsiinta muddo lix toddobaad ah ka gedaal markii uu qarxay khilaafka u dhexeeya ciidamada federaalka iyo kuwa gobolka.

Tedros, oo sanadkan dambeeyay safka hore kaga jiray dadaalada la isku duba ridayo jawaabta caalamiga ah ee cudurka Covid19, ayaa xusay in xaalada dalkiisa ay ku ahayd culeys dheeraad ah.

"Haddii COVID uusan igu filneyn, waxaan qabaa xanuunkaas shaqsiyadeed," ayuu yiri. "Waxaan ka walwalsanahay dalka oo dhan. Kama walaaci karo walaalkay iga yar ama ehelkayga kaligood maxaa yeelay xaaladdu way ka sii daraysaa".

Bishii la soo dhaafay, dowladda Itoobiya waxay ku eedeysay Tedros, oo 2005 - 2012 wasiir caafimaad ka ahaa dowladdii TPLF ee Meles Zenawi, inuu u ololeynayo oo uu doonayo inuu hubeeyo hoggaamiyeyaasha gobolka.

Tedros ayaa eedeymahaas ku beeniyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka isaga oo sheegay in uu yaraantiisii u arkay dabeecadaha dagaalka, wuxuuna ku adkeystay "in uu adeegsaday khibradaas gacan-ka-hadalka ah inuu markasta ka shaqeeyo nabadda".

“Waxaa jiray warbixino soo jeedinaya inaan dhinac lafa gurayo xaaladdan. Tani run maahan, ”ayuu qoray. "Waxaan rabaa inaan iraahdo waxaan joogaa hal dhinac oo kaliya, waana dhanka nabada.

Intii lagu guda jiray shirkii jaraa'id ee Isniinta, Tedros wuxuu qirey in ka walwalka aafada iyo colaadda Itoobiya labadaba "ay adkayd".

Balse wuxuu qoraal kusoo gabagabeeyay: "Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aan laba bilood kahor noqdey awoowe. Waan ka walwalsanahay, anigoo tixgelinaya labada xaaladood ee adag ee dhacaya ee ay wajaheyso ayeeyaday, balse markaan eegayo, waxaan arkaa rajo."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM