Madaxda Jaamacadda Carabta oo isku raacey inay diidaan qorshaha Trump ee Gaza
Qaahira — Hoggaamiyayaasha waddamada Jaamacadda Carabta ayaa Talaadadii shalay isla qaatay qorshaha dib u dhiska Gaza ee ay Masar soo jeedisay kaas oo ay ku kacayso qarash gaaraya 53 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.
Qorshaha Masar ayaa ahaa mid lagaga fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulka go’doonsan Marinka Gaza taasoo ka hor imaaneysa qorshihii uu bishii Janaayo soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.
Trump ayaa qorshihiisa ku sheegay in Mareykanka uu la wareegayo Gaza si wanaagsan uu dhisi doono falastiiniyiinta ku noolna dib u dejin loogu sameyn doono wadamada Masar iyo Urdun.
Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al Sisi ayaa xiritaankii shir-madaxeedka Carabta oo shalay ka dhacay Qaahira ka sheegay in soo jeedinta la aqbalay Kulanka oo ay martigelisay Masar ayaa waxaa madaxdii ka qeyb gashay ka mid ahaa amiirka Qatar madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka Carabta iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga.
Qorshaha Masar ee ka soo horjeeda qorshaha Trump ayaa ku baaqaya in dadka deggan Gaza ay ku nagaadaan gudaha dhulkooda gaar ahaan toddobo goobood oo gaar ah oo looga dhisayo guryo ku meel gaar ah.
Inta ay halkaasi ku noolyihiin ayaa qorshahan uu soo jeedinayaa in Gaza laga sifeeyo burburka miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ee haraadiga dagaalka.
Masar iyo dalal kale oo badan oo Carabeed ayaa horey uga soo horjeestay qorshaha Trump ee dib u dhiska Gaza oo laga dhigo meel loo tamashle tago Bariga Dhexe.
Intii uu socday kulanka ayaa madaxweynaha Masar Sisi waxa uu uga mahadceliyay Trump dadaalka uu ugu jiray dib u dhiska Gaza isaga oo intaa ku daray in qorshaha Masar ee la soo jeediyay uu sidoo kale dhigayo in guddi ku meel gaar ah oo ka kooban aqoonyahanno iyo farsamayaqaano ay sii maamulaan Gaza iyadoo la tababarayo boolis cusub oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa kaloo qorshuhu dhigayaa in deeq bixiyeyaasha shir ku aaddan dib u dhiska Gaza loo qabto shirkaas ayuu Sisi sheegay inuu Masar ka dhici doono bisha soo socota.
Ururka Xamaas oo Maraykanku u aqoonsaday argagixiso ayaa soo dhaweeyay hindisahan balse Israel ayaa dhaleeceysay.
Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in soo jeedinta shir madaxeedka Carabta ay ku guuldarreysteen in ay wax ka qabtaan xaqiiqada dhabta ah ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ee toddobadii October 2023 kii kaas oo dhaliyey dagaalka.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa lagu yiri weerarkii argagixiso ee Xamaas kaas oo sababay dhimashada kumanaan Israa’iil ah iyo boqolaal afduub lama sheegin sidoo kale ma jiro wax cambaareyn ah oo loo jeedinayo ururkan argagixisada ah ee dilaaga ah.
Hoggaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo fikirka Masar wuxuuna ku booriyay Trump inuu taageero qorshahan sababtoo ah kuma lug lahaan doono barakicinta Falastiiniyiinta ayuu yiri Maxamuud Cabbaas.
GAROWE ONLINE