Madaxda Kurdiyiinta oo shacabka Afrin ugu baaqay in ay Turkiga la dagaalamaan

Image

Hogaamiyayaasha Kurdiyiinta ee gacanta ku haya magaalada Afrin ee Suuriya ayaa ugu baaqay shacabka magaaladaasi in ay ku soo biiraan dagaalka ka dhanka ah ciidamada Turkiga.

Maamulka magaaladaasi ayaa waxay sheegeen in ay ku dhawaaqayaan abaabul guud.

Ciidamada Turkiga ayaa maalinkii afraad wada duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta ku sugan magaalada Afrin ee wuqooyiga Suuriya ku taalla.

Turkiga ayaa bartilmaameedsanay saldhigyo ay leeyihiin kooxda Kurdiyiinta ee YPG.

Militariga Turkiga ayaa sheegay in ay ilaa 8 kiilo mitir dhanka wuqooyi u jiraan magaalada Afrin.

Dhanka kale Turkiga ayaa Mareykanka ku baraarujiyay in uu joojiyo taageerida uu siiyo Kurdiyiinta YPG ee Suuriya. Wuxuuna sare u sii qaaday duullaanka uu ku hayo malleeshiyada oo ka dagaallanta Waqooyiga dalka Suuriya.

Afhayeen u hadlay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in kooxda YPG ay hubka Mareykanka ay ka hesho u adeegsato ciidammada gobolka Cafrin nadiifinaya.

Turkiga ayaa sheegay in YPG ay tahay garab ka tirsan ururka PKK oo ka dagaallama gobolka Kurdiyiinta eeTurkiga, waxayna ku tilmaamtay in ay argagixiso yihiin.

Balse YPG ayaa beenisay in wax xiriir toos ah uu kala dhexeeyo PKK.

BBC

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM