Mareykanka iyo Sacuudiga ka shiray qodobo xasaasi ah

Image
Sare u kaca qiimaha saliidda ayaa dhib ku ah maamulka Biden kahor doorashooyinka Congress-ka ee bisha Nofembar.

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan ayaa ka wadahadlay kor u kaca qiimaha shidaalka iyo arrimaha Bariga Dhexe oo ay ku jiraan Iran iyo Yemen, kadib kulan khadka telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye.

"Labada hgogaamiye waxaa ka go'an inay hubiyaan xasiloonida sahayda tamarta dunida" ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Aqalka Cad. Salmaan, oo ah hoggaamiyaha dalka ugu badan dhoofinta shidaalka ee kooxda OPEC, ayaa ka hadlay ilaalinta dheelitirka iyo xasilloonida suuqyada shidaalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Sucuudiga ee SPA.

Boqor Salmaan ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo heshiiska OPEC iyo xulafadeeda oo ay ku jiraan Ruushka, iyo koox loo yaqaan OPEC +, iyadoo toddobaadkii hore, OPEC + ay oggolaatay inay ku adkaysato kororka dhexdhexaadka ah ee wax soo saarkeeda saliidda.

Qiimaha shidaalka ciiriinka ah ee caalamka ayaa kor u kacay 20% sanadkan, waxay u badan tahay inuu dhaafo $100 foosto, sida ay aaminsanyihiin xeel-dheereyaasha.

Sare u kaca qiimaha saliidda ayaa dhib ku ah maamulka Biden kahor doorashooyinka Congress-ka ee bisha Nofembar kaas oo saaxiibadiisa xisbiga Dimuqraadigu ay difaacan doonaan aqlabiyadda aan badneyn ee Senate-ka iyo Aqalka Wakiilada Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha EUCOM: Mareykanku ma hayo awood ku filan oo uu ku sii difaaco Israa'iil

Hawlgallada ku dhowaad maalinlaha ah ayaa la sheegay inay si weyn u daaliyeen maraakiibta burburiyeyaasha ee ciidamada badda Mareykanka.

  • Caalamka

    01-08-2026

  • 12:21PM

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo raalli-gelin ka bixisay khariidad khaldan oo Afrika ah

Khariidadda ayaa lagu soo bandhigay shirkii AIDS 2026, waxaana lagu muujiyay lix waddan…

  • Caalamka

    31-07-2026

  • 08:27AM