Madaxda ugu horeysay ee Joe Biden la xiriirayo oo la shaaciyey

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka, Joe Biden, ayaa bilaabay in uu telefoonka kula xiriiro hogaamiyeyaasha caalamka, sidda ay warisay Jariiradda dalka UK kasoo baxda ee Daily Mail.

Biden oo xafiiska si rasmi ah ula wareegi doona bisha Janaayo ayaa diyaarsaday liix ay ku qoran yihiin madaxda ugu horeysay ee uu telefoonka kula xiriirayo kuwaasoo laga waayey magacyo culus.

Sidda ku xusan warbixinta, Ra'iisul Wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa kamid ah madaxda iska dhex-weysay liiskan gaar ahaan hogaamiyeyaasha ugu horeeya ee uu wadahadal la yeelan doono Joe Biden.

Illo wareedyo diblumaasiyadeed ayaa xaqiijiyey in hogaamiyeyaasha Faransiiska, Jarmalka iyo Ireland – Angela Merkel, Emmanuel Macron iyo Micheal Martin - ay kamid yihiin xubnaha ugu sareeya liiskaas.

Majaladdan afka dheer ayaa daaha ka rogtay in Biden uu ahmiyadda koowaad siinayo wanaajinta xiriirka dalalka qaarada Yurub kuwaasoo Donald Trump mudadii uu xukunka hayey uu aad u fogeeyay.

Intii uu ololaha ku jiray, waxyaabaha diiwaanka galay waxaa kamid ah in uu kasoo horjeestay in Britain ka baxdo Yurub, isagoo Boris Johnson ku tilmaamay "mid muuqaal ahaan iyo maskax ahaan lamida Trump".
"Eeg, waxay u badan tahay in aanan kamid ahayd wicitaanada ugu horeeya. ka dowladda ka tirsan miyay ka walaacsan yihiin? Haa, balse aad waad u akhrin kartaa. Hadii nagala horeysiiyo Papua New Guinea waa in aan dhab ahaantii bilownaa in aan walwalno," ayuu yiri illo wareedka.

Xilli uu isku qeexay in uu yahay qof kasoo jeeda Ireland, Biden ayaa ka digay in uu meesha ka saarayo hehsiiska la qorsheeyay in ay UK iyo Mareykanka yeeshaan ganacsiga hadii Brexit wiiqo nabadda waqoyga Ireland.

Iyaddoo arrimahaan oo idil ay jiraan, haddana Boris Johnson oo ammaan ugu qubeeyay Biden ayaa rajeeyay in xiriirkooda fiicnaado.

Sikastaba ha ahaatee, Joe Biden oo ah 77-sano jir ayaa 100-ka maalmood ee uu xafiiska joogo waxaa ku kala cadaan doonta hadii uu ka duwan yahay Donald Trump ama in uu wali hayo dhabihii USA ku hafatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

UNICEF oo Ka Digtay Saamaynta Ba’an ee Dagaalka Lubnaan Ku Yeeshay Carruurta

Raysal Wasaaraha xilka sii haya ee Lubnaan, Najib Mikati, ayaa Arbacadii…

  • Caalamka

    31-10-2024

  • 08:16PM

Israa'iil oo lagu cambaareeyay xayiraad ay saartey hay'adda UNRWA

UNRWA waa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin.

  • Caalamka

    29-10-2024

  • 07:20AM