Madaxwayne hore oo loo xiray dambiyo culus oo cafis helay

Image
Lee oo 81-sano jir ah ayaa xafiiska joogay intii u dhaxaysay sanadihii 2008 ilaa 2013.

SEOUL, South Korea - Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed oo horey loogu helay dambiyo laaluush iyo wax isdabamarin ah ayaa Talaadada maanta ah waxaa lagu sii daayey cafis sharafeed.

Lee Myung-bak waxaa cafiyey madaxwayne Yoon Suk Yeol, sidda ay warisay saxaafadda. Lee oo 81-sano jir ah ayaa xafiiska joogay intii u dhaxaysay sanadihii 2008 ilaa 2013.

"Waa markii labaad tan iyo markii Yoon loo caleema saaray xilka madaxweynaha dalka bishii May ee sanadkan oo uu cafis gaar ah bixiyo," ayay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Horaantii bishii Ogosto ee isla sanadkan 2022-da, Yoon waxa uu cafis u fidiyay guddoomiyaha fulinta ee shirkadda Samsung Lee Jae-yong iyo maalqabeenno kale oo ganacsi.

Cafiska la bixiyay ayaa dhaqan galaya laga bilaabo Arbacada, 15-sano oo xabsi ah ee lagu xukumay Lee waa la kansali doonaa, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Yonhap ee fadhigeedu yahay Seoul.

Waxaa lagu helay dambiyo laaluush iyo wax isdaba marin ah, waxaana lagu xukumay 17 sano oo xarig ah, balse waxaa la hakiyay bishii June ee la soo dhaafay xanuunkiisa.

Kim oo loo arkayay inuu ku dhow yahay mas'uulkii ka horreeyay Yoon Moon Jae-in ayaa la xukumay waxaana garka loo geliyey labo sano oo xarig ah sababo la xiriira eedeymo ku saabsan musuqmaasuq.

"Waxaa lagu wadaa inuu si xor ah u socdo bisha May ee soo socota. Si kastaba ha ahaatee, ma u tartami karo xafiiska ilaa 2028," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta ay daabacdey wakaaladda Yonhap.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM