Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika oo dib u helay xorriyadiisa

Image
Jacob Zuma ayaa dhameystay xukun xabsi ah oo horey loogu riday eedeymo is-dabamarin ah.

CAPE TOWN, South Africa - Madaxwaynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma, ayaa la sii daayay ka dib markii uu u dhamaaday xukunkii xabsiga ahaa, sida ay Jimcada maanta ah sheegtay dawladda.

Zuma ayaa sanadkii hore lagu xukumay 15 bilood kadib markii uu iska dhaga tiray awaamiirta uu kaga qeyb qaatay baaritaanka la xiriira kiis musuqmaasuq ah.

Waxa uu is dhiibay July 7-dii ee sannadkii hore si uu u bilaabo xukunkiisa, taasoo kicisay rabshadihii ugu xumaa ee Koonfur Afrika soo marta muddo sannado ah iyadoo taageerayaashiisa xanaaqsan ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Zuma ayaa lagu sii daayay cafis caafimaad bishii Sebtembar 2021. Laakiin bishii December, maxkamadda sare ayaa dhinac isaga saartay go'aanka sii-daynta sharafeed waxayna ku amartay inuu xabsiga ku laabto.

"Waa RASMI. Madaxweyne Zuma hadda waa nin xor ah," Jacob Zuma Foundation ayaa ku tiri twitter-ka. Zuma ayaa racfaan ka qaatay xukunka, waxaana uu ku sii jiray sii-daynta sharafeed ilaa natiijada racfaanka.

Waaxda Ciidamadda Asluubta ayaa qoraal rasmi ah waxay ku tiri: "Mr Zuma waxa uu u hoggaansamay shuruudihiisii ​​cafiska cafimaad ee ku qornaa intii lagu jiray meelaynta".

"Dhammaan geeddi-socodyada maamulka hadda waa la soo gebagebeeyey, taariikhda uu dhacayo xukunku waxay astaan ​​​​u tahay dhammaadka isaga oo ku dhameysanaya xukunkiisa," ayay raacisay waaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM