Madaxweynaha Brazil oo shaaciyey in laga helay safmarka Covid-19

Image

BRASILIA, Brazil – Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, ayaa ku dhawaaqay in laga helay safmarka Coronavirus, sidda ay ku warantay The Guardian, oo xustay in uu arrintaas ka shaaciyey telefishinadda waliba si toos ah.

"Waxaan soo laabtay anigoo leyga helay," ayuu Bolsonaro u sheegay koox wariyeyaal oo loo yeeray waqtiga qadada Talaadada maanta ah.

Bolsonaro, oo 65-sano jir ah, ayaa kamid ah hogaamiyeyaasha si ku cel-celis ah u dafiray halista musiibada Covid-19 iyo kala fogaanshiyaha.

Brazil waa waddanka labaad ee dadka ugu badan uu ku dhacay fayruska faafa, waxaana ka horeeya Mareykanka oo koowaad ah isla markaana diiwaan-geliyey 65,000 dhimasho ah iyo 1.6 milyan oo xaalado ah.

Bishii Maaj ayay ahayd markii Brazil ay xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa, waxaana waqtigaas uu Jair Bolsonaro hoos u dhigay khatartiisa.

Tan iyo waqtigaas, wuxuu si joogta ah uga qeybgalaa munaasabadaha dadweynaha iyo isu soo baxyadda la xiriira siyaasadda, badanaa af-saabka ama maasakarada wuxuu u xirtaa si qaldan ama maba qaataba.

Shaacinta in Jair Bolsonaro uu haleelay xanuunka ayaa kusoo hagaageysa saddex maalmood kadib markii uu hoygiisa kula qadeeyay danjiraha Mareykanka u jooga Brazil, Todd Chapman, kaas oo aan la hubin hadii uu soo ritay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM