Madaxweynaha Chad oo la kulmay Madaxweynihii xilka laga tuurey ee Niger

Image

NIGER: Madaxweynaha Chad Mohamed Idriss Deby ayaa la kulmay Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Niger, Mohamed Bazoum, ka dib markii uu shalay oo Axad ahayd gaaray caasimadda dalkaas ee Niamey.

Sarkaal ka tirsan Niger ayaa xaqiijiyay in Deby uu ka shaqeynayey dhex-dhexaadinta sii deynta Bazoum iyo dib ugu soo laabashadiisa xafiiska, kadib shir deg deg ah oo ay yeesheen Ururka ECOWAS, kaas oo ka qeyb galay madaxweynaha Chad.

Intii uu socday shir madaxeedka degdega ah, madaxda ECOWAS waxay ku baaqeen in si buuxda loo soo celiyo nidaamka dastuuriga ah, iyagoo ku hanjabay inay qaadi doonaan tillaabooyin adag ah haddii aysan taasi dhicin.

"Tallaabooyinkan waxaa ka mid noqon kara awood in la adeegsado" ayaa lagu yiri war-murtiyeedkii ugu dambeeyay ee shir-madaxeedka, iyaga oo intaas ku daray in saraakiisha difaaca ee wadamada ECOWAS ay si degdeg ah isugu imaan doonaan si ay arrintaan uga shiraan.

Dhankiisa, afhayeenka xukuumadda Chad Casiis Maxamed Saalax ayaa sheegay in madaxweynaha Chad uusan ka socon shaqana ku laheyn Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Lataliyaha gaarka ah ee madaxweynaha xilka laga tuurey ee Niger ayaa horey uga digay in faragelin milatari dalkiisa lagu sameeyo, haddii milatariga afgambiga hogaaminayay ay diidaan hindisaha Afrika ee lagu xallinayo qalalaasaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM