Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo la dhaariyay

Image
Image
Image
Image
Image

HARARE, Zimbabwe - Emmerson Mnangagwa ayaa maanta loo dhaariyay xilka Madaxweynaha dalka Zimbabwe, kadib markii uu Iscasilay Robert Mugabe.

Mnangagwa ayaa lagu dhaariyay Munaasabada ka dhacday Garoon Kubbada cagta lagu ciyaaro oo ku yaalla magaalada Harare, ee Caasimadda dalkaasi, iyadoo ay ka qeybgaleen Mas'uuliyiin kala duwan iyo marti-sharaf caalamka ka timid.

Xisbiga ZANU-PF ee talada haya ayaa u magacaabay Emmerson Mnangagwa, oo 75 sano jir ah inuu noqdo Madaxweynaha Zimbabwe.

Madaxweyniyaasha gobolka Koonfurta Qaaradda Africa, oo uu kamid yahay Madaxweynaha South Africa Jacob Juma ayaa ugu hambalyeeyay Mnangagwa xilka cusub ee loo dhaariyay.

Mnangagwa [Bidix] oo salaamaya Madaxweynaha South Africa Jacob Zuma [Midig]

Mnangagwa waxa uu ahaa Madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi, kahor inta uusan xilka ka qaadin Robert Mugabe 6-dii bishan, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Robert Mugabe ayaa dalkaasi soo xukumayay tan iyo 1980, mudo 37 laga joogo, waxaana uu jagada la doonayay Xaaskiisa Garace Mugabe, oo awood badana ku lahayd dowladiisa.

Militariga ayaa farageliyay xaaladda, la wareegay todobaad kahor taladii dalkaasi, waxaana ay kuu qasbeen Mugabe inuu is-casilo, si dalka Isbedel uga dhaco, islamarkaana looga saaro dhibaatooyinka dhaqaale ee ka jira.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Siisi oo u safraya Imaaraadka kadib wadahadallo uu la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh

Soomaaliya ayaa dhowaan hakisay heshiisyadii amniga, difaaca iyo dekedaha ee ay la lahayd Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    09-02-2026

  • 07:35AM

Bitcoin Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhacday Xilli Suuqyada Caalamku Qalalaase Ku Jiraan

Falanqeeyayaasha maaliyadeed waxay sheegayaan in hoos u dhaca crypto…

  • Caalamka

    05-02-2026

  • 08:13PM