Madaxweynaha FIFA iyo la kulmay boqorka Sacuudiga

Image

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA Gianni Infantino ayaa magaalada Riyadh ee caasimada Sacuudiga kula kulmay boqorka dalkaasi Salman bin Abdulaziz.

Labada mas'uul ayaa waxay kawada hadleen howlaha xiligan ka dhexeeya xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo xiriirka kubada cagta dalka Sacuudiga iyagoo falanqeeyay arimo dhowr ah oo ku saabsan sida FIFA ay gacan kaga geysan karto horumarinta ciyaaraha Sacuudiga.

Kulanka ay wada qaateen madaxweynaha xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo boqorka dalka Sacuudiga Salma bin Abdulaziz ayaa wuxuu ka dhacay qasriga qadiimiga ah ee al-Yamama waxaana wahadalkooda uu qaatay mudo saacad ah oo ay arimo badan ka wada hadleen.

Shirka ay yeesheen mas'uuliyiinta ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubno ka tirsan boqortooyda dalka Sacuudiga iyo maamulka xiirka kubada cagta Sacuudiga iyo wasiirka arimaha dibada dalkaasi Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta aduunka Gianni Infantino oo kamid ahaa masuuliyiin ka socotay FIFA oo ka ka qeybgalay kulankii Real Madrid iyo Gremio ee kama danbeysta koobka kooxaha aduunka ayaa casuumad ka helay boqorka sacuudiga Salman bin Abdulaziz wuxuuna la qaatay kulan mudo saacad ah qaatay oo waxyaabo fara badan ay iskula garteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM