Madaxweynaha France oo xilka la wareegay

Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha cusub ee dalkan Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maanta xafiiska kala wareegay Madaxweynihii hore François Hollande, kadib markuu uu ku guuleystay doorashadii dhawaan ka dhacday dalkaas.

Macron, oo 39 Jir ah ayaa noqday Madaxweynaha ugu da'da yar dalka Faransiiska, wuxuuna balan-qaadey inuu soo magacaabi doono Isniinta berri ah Ra'iisal wasaare.

Ra'iisal wasaaraha la magacaabayo ayaa isna laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dhaqaale, kala qeybsanaanta iyo shaqo la'aanta.

Macron ayaa xilka kula wareegay xaflad ka dhacday Madaxtooyada Elysée ee magaalada Paris, iyadoo ciidamada Booliska ay amaanka magaaladaasi si aad ah u adkeeyeen.

Madaxweynihii hore ee dalka Faransiiska François Hollande oo 5 sano xafiiska joogay, ayaa kulan gaar ah la yeeshay Emmanuel Macron kahor xil-wareejinta, wuxuuna ku wareejiyay Baasuweerada Hubka Nuclear-ka dalkaasi.

Emmanuel Macron ayaa la filayaa in todobaadka ugu horeeya ee uu Xafiiska joogo inuu booqasho ku tago dalka Jarmalka, oo uu kula kulmi doono Ra'iisal wasaare Angela Merkel.

Angela Merkel iyo Macron waxay kawada hadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo dhibaatooyinka haysta Ururka Midowga Yurub iyo kala qeyb-sanaanta ka dhexjirta.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM