​Madaxweynaha Gambia oo Banjul lagu caleemo saarayo

Image

Madaxweynaha cusub dalka Gambia, Adama Barrow ayaa lagu wadaa in lagu caleemo saaro magaalada Banjul ee caasumadda dalkaas kadib markii la doortay dabayaaqadii sannadkii hore.

Xafladda caleemo saarkiisa ayaa lagu lammaaniyay 52 guuradii kasoo wareegtay markii waddankaas oo xornimada helay.

Kumanaan qof ayaa lagu wadaa inay kasoo qayb galaan Caleemo saarka oo ka dhici doonta garoonka ugu weyn ee lagu cayaaro kubadda cagta magaalada Banjul.

Madaxda Africa qaybtood ayaa la saadalinayaa inay kulankaas tagaan islaamrkaana la dabaal dagaan shacabka reer Gambia.

Inkastoo ilaa waqtigaas Gambia yeelatay Saddex Madaxweyne oo qura, hadana waxaa la filayaa inuu Aadama Barrow waji cusub u furo dadka mudada dheer ku jiray gacanta kaligii taliye Yahye Jammeh oo doorashada looga adkaaday.

Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay waddanka dariska la ah ee Senegal ka dib markii hogaamiyihii ka horeeyay diiday inuu xilka wareejiyo.

Mudane Barrow ayaa ballan qaaday in dalkiisa uu ku hagi doono wadada hormarka islamarkaana kasaari doono dhibaatada ay kala kulmeen madaxweynihii waqtiga dheer xukumayay ee Jammeh.

Jammeh waxa lagaga adkaaday doorashadii dhacday bishii Diisember, laakiin xilka wuu isku sii dhejiyey ilaa xoogag ka tirsan ciidamo goboleedka Galbeedka Afrika ay ku dirqiyeen inuu xilka ka dego.

Isbadalkan siyaasadeed waxaa la filayaa in dalkan sahasho sidii uu ugu biiri lahaa ururada caalamiga ah ee ay ka midka yihiin Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah iyo Ururka Barwaaqo Sooranka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM