Madaxweynaha Iiraan oo weeraray Donald Trump

Image

TEHRAN, Iran – Madaxweynaha Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Aqalka Cad macsalaameynao Donald Trump oo uu ku qeexay in uu yahay "argagixiso aan sharciga u hogaansamin".

"Uma riyaaqeynayo imaanshiyaha Mr Biden, balse waxaan ku faraxsanahay in Trump uu tagayo," ayuu ku yiri khudbad laga sii daayey telefishinka dowladda isaga oo la hadlayey Golaha Wasiirada Iiraan.

Ruuxaani oo luuqad adag adeegsaday ayaa ku qeexay Trump "madaxweynihii ugu sharci darada badnaa" ee soo mara taariikhda Ameerika.

Weerarkan dhanka afka ah ee Ruuxaani ku qaadey Trump ayaa imaanaya markii madaxweynaha xafiiska faarujinaya ee Mareykanka uu bishii hore soo jeediyey in duqeymo dhanka cirka ah lagu ekeeyo Jamhuuriyada Iran.

Soojeedinta Trump ayaa ka dambeysay markii Qaramada Midoobay ay warbixin ku sheegtay in Iiraan kordhisay bacraminta Nukliyeer-ka.

Maamulka Trump ayaa sidoo kale wuxuu amray dilka Jeneraalkii ugu awooda badnaa ciidamadda Iiraan, Qaasim Suleymaani, kaasoo udub-dhaxaad u ahaa ololaha iyo yoolka Tehran ka leedahay Bariga Dhexe.

Inkasta oo aysan kala caddeyn hadii uu dib ugu laaban doono, xulafada Biden ayaa u arka khatar go'aaka uu Trump kaga baxay heshiiska Nukliyeer-ka ee Mareykanka galay 2018-kii xilligii uu xukunka hayey Barrack Obama.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM