Madaxweynaha Kenya oo dib Nairobi ugu soo laabtay

Image

October 9, 2014 (GO)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor hore oo maanta ah dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii uu shalay kasoo hor muuqday maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC.

Kumannaan dadweyne ah oo watey boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhigyo soo dhoweyn ah iyo calanka dalkaas ayaa madaxweynaha kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Uhuru ayaa labo maalmood kahor u duulay magaalada Hague si uu uga qayb galo dhegeysiga dacwad isaga ka dhan oo maxkamaddu shalay oo Arbaco ahayd furtay. Kahor intii uusan Hague u duulin Mdaxweynaha Kenya wuxuu xilka si kumeel geer ah ugu sii wareejiyey ku-xigeenkiisa William Ruto.

Maxkamadda ICC ayaa  Uhuru Kenyatta iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda Kenya ka tirsan kusoo oogtey dambi ah inay galeen gabood-fallo ka dhan ah xuquuqul insaanka kadib doorashadii lagu murmay ee Kenya ka dhacday sanadkii 2007.

Dhageysiga maxkamadda ayaa dib-u-dhac ku yimid kadib markii xeer-ilalainta waydey cadeymo muhiim ah, qareenka Uhuru Kenyatta ayaa dhinaca kale codsadey in eedeyntaan ka dhanka ah madaxweynaha Kenya ICC dib uga noqoto.

Rabshado ka dhashay doorashooyinkii ka dhacey dalka Kenya tan iyo intii u dhexeysey December 2007 ilaa February 2008 ayaa waxaa ku geeriyoodey in ka badan 1000 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo si kulul uga hadlay weerarada ka dhacay Lubnaan

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay falkan halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan labo kun ruux.

  • Caalamka

    18-09-2024

  • 10:36AM

Weerar Xooggan: Qalab Isgaarsiinta ay Hezbollah Isticmaashay oo Qarxay, Khasaare Badan oo Ka Dhashay

Sida la soo wariyey, weerarkan ayaa ka dhashay kadib markii sirdoonka Israa’iil ay farriin u direen…

  • Caalamka

    17-09-2024

  • 04:18PM