Madaxweynaha Kenya oo lagu maxkamadaynayo Hague

Image
Image
Image

October 8, 2014 (GO)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta kasoo hor muuqan doona maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ICC ee fadhigeedu yahay dalka Netherlands.

Kenyatta waxaa lagu soo eedeeyey inuu geystey gabood-fallo ka dhan ah xuquuqul insaanka qayb ka qaatay rabshadihii ka dhacay Kenya kadib doorashadii 2007, rabshadahaas oo dad kun qof ka badani ku geeriyoodeen.

Madaxweynaha Kenya wuxuu iska fogeeyey dhammaan eedaymaha loosoo jeediyey isagoo dhowr mar oo hore ku celceliyey inuusan wax dembi ah gelin waxna ka ogeyn qalalaasihii Kenya ka dhacay sanadkii 2007.

Horay Dowladda Kenya waxay u diidey in Kenyatta isagoo xilka haya looga yeero maxkamadda ICC, haseyeeshee Uhuru ayaa iskiis u go'aansaday inuu aado Hague isagoo xilkana si kumeel gaar ah ugu wareejiyey ku-xigeenkiisa William Ruto.

Waa madaxweynihii ugu horreeyey ee maxkamadda dambiyada dagaalka ICC hortaga isaga oo xilka haya laga soo bilaabo markii maxkamadaas la asaasay sanadkii 1998.

Xigasho: BBC/Africa

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ninkii khalka ku buufiyay Ilhan Omar oo lagu xukumay 14 bilood oo xabsi ah

Omar wax dhaawac ah kama soo gaarin weerarka, waxaana ay sii wadatay kulankii dadweynaha kaddib markii ninka la xiray.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 05:38PM

Sacuudiga iyo Xuutiyiinta Yemen oo weerarro is-weydaarsaday

Weerarada cusub ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadaha u dhexeeya Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ay mar kale sare u kacayaan.

  • Caalamka

    17-09-2026

  • 05:11PM