Madaxweynaha Shiinaha oo lix sano kadib booqanaya Sacuudiga

Image
Markii ugu dambeysay ee Xi Jinping u socdaalay boqortooyadda Sacuudi Carabiya waxay ahayd 2016.

RIYADH, Saudi Arabia - Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqdey in madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu Arbacada booqan doono waddankan qaniga ku ah saliidda.

Wakaaladda wararka ee SPA ayaa sheegtay in booqashada Xi ay ku timid casuumaad uu ka helay Boqor Boqor Salmaan "si loo xoojiyo xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal".

Xi ayaa 3-da maalmood ee uu joogo waxa uu ka qeyb galayaa shir madaxeedka Sacuudiga iyo Shiinaha, iyadoo uu wehliyo Boqorka Sacuudiga iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.

Hogaamiyaha China ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shir madaxeedka wadamada Khaliijka iyo Shiinaha ee iskaashiga iyo horumarinta iyo shirka Carabta iyo Shiinaha oo ay ka qeyb galayaan madaxda wadamada Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Qatar, Bahrain, Kuwait, iyo Cuman.

SPA ayaa daabacdey in labada shir madaxeed diiradda lagu saari doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka wadajirka ah iyo rajada laga qabo iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta.

Booqashada Xi ayaa ku soo beegantay saddex bilood ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu booqday Riyadh iyadoo ay jirto xiisad dhanka tamarta ah oo uu sababay dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Markii ugu dambeysay ee Xi tagay Sacuudi Carabiya waxay ahayd 2016. Tan iyo waqtigaas, Shiinaha wuxuu sameeyay isbadal ballaaran isaga oo horumariyey saameyntiisa aduunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM