Madaxweynaha South Korea oo xilka laga qaadey

Image

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa xilka looga xayuubiyey mooshin kadib markii uu muddo kooban geliyay dalka xaalad dagaalka, iyadoo laba iyo toban xildhibaan oo ka tirsan xisbigiisa ay ku biireen mucaaradka si ay mooshinka ugu gudbiyaan baarlamaanka qaranka.

Mooshinka xil ka qaadista ayaa lagu meel mariyay cod dhan 204. Saddex xildhibaan ayaa ka aamusay, waxaana lagu dhawaaqay in siddeed cod ay xumaadeen.

Yoon ayaa ka badbaaday isku daygii ugu horreeyay ee xil ka qaadis todobaadkii hore. Markan, si kastaba ha ahaatee, xubno ku filan ayaa la helay, iyadoo codeysay saddex-meelood laba meel baarlamaanka 300 xubnood ka kooban. Mucaaradka uu hogaamiyo xisbiga Dimuqraadiga ayaa gacanta ku haya 192 kursi ee baarlamaanka ah.

Yoon wuxuu u muuqday inuu lumiyay taageerada qaar ka mid ah xulafada, oo uu ku jiro hogaamiyaha PPP Han Dong-hoon. Madaxweynaha ayaa sheegay inuusan i dhiibi doonin, oo sii wadi doono dagaalka siyaasadeed ee uu uga hortagayo xilka qaadista.

Maxkamadda dastuuriga ayaa mudo 180 maalin go'aan kama dambeysay ah uga gaari doono mustaqbalka Madaxweyne Yoon oo sidoo kale wajahaya baaritaanno dambiyeedyo la xiriira khiyaano qaran iyo ku takri fal awoodeed, waxaana laga mamnuucay inuu dalka ka baxo.

Waa Madaxweynihii 2aad oo xilka Mooshin looga qaado South Korea inta la ogyahay taariikhda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladaha Carabta oo xasuuqa Qasa ka aamusay oo ka shiray Xaaladda Suuriya

Dawlad ku meel gaar ah oo ay soo dhiseen mucaaradku waxay ku adkaysatay in la ilaalin doono xuquuqda dhammaan dadka Suuriyaanka ah.

  • Caalamka

    15-12-2024

  • 06:52AM

Maxamed oo kaalinta 1aad ka galay magac-bixinta UK sanadka 2023

In ka badan 4,661 oo ku dhalatay England iyo Wales ayaa magacan loo bixiyay, sidda uu sheegay xafiiska ONS.

  • Caalamka

    08-12-2024

  • 01:23PM