Madaxweynaha Ukraine oo baaq u diray dowladda Ruushka
KYIV, Ukraine – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa ku baaqay in wadahadallo nabadeed uu la yeesho Moscow xilli gulufka Ruushka uu galay maalintii 24-aad asagoo dhibaato badan ku haya dadka rayidka ah.
Zelenskyy ayaa tibaaxay in Ukraine ay mar walba diyaar u tahay xal nabadeed oo lagusoo afjarayo colaada baahday ee dalka ka jirta. "Waxaan dooneynaa in si daacadnimo ku dheehan tahay looga wada xaajoodo nabada iyo amaanka gobolka," ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in haddii kale ay Moscow ku qaadan doonto waqti dheer si ay uga soo kabtaan khasaaraha ka soo gaara dagaalka. Hoos u dhaca dhaqaalaha ayaa aad usii kordhay markii laga gooyay nidaamka caalamiga ah ee xawilaadda.
"Waxaan rabaa in qof walba i maqlo hadda, gaar ahaan Moscow, Waxaa la gaaray waqtigii kulanka, waa waqtigii la wada hadli lahaa,” ayuu ka sheegay muuqaal la sii daayay saacadihii hore ee manta.
Zelensky ayaa sidoo kale sheegay in la joogo waqtigii dib loo soo celin sharafta dhulka Ukraine. In kastoo wadahadallo dhawr ah aysan wax natiijo ah ka soo bixin haddana lama saadaalin karo in wada xaajoodkan mirodhal noqon karo.
Reer galbeedka ayaa cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogeen Ruushka, waxayna taasi sababtay in shirkado badan oo caalami ah ay ka baxaan dalka. Dhaqaalaha wadanka ayaa si aad ah hoos ugu dhacay tan iyo markii uu bilawday dagaalka 24-tii Febraayo.
Baaqa wadahadalka ayaa imaanaya iyadoo weerarka Ruushka uu si weyn u kordhaayo, wallow ay iska caabin xooggan kala kulmayaan magaalooyinka ay ku jirto caasimadda Kyiv.
Putin ayaa lagu eedeeyay in uu kordhiyay duqeymaha cirka ee aan loo meeldayin, waxaana inta badan waxyeelada kasoo gaartaa dad rayid ah.
Zelenskyy ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Moscow ay si ula kac ah u xanibayaan gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiin lahaa magaalooyinka dagaalada ka socdaan.
GAROWE ONLINE