Madaxweynaha Ukraine oo isbitaal la dhigay markii laga helay Covid—19

Image

Kyiv, Ukraine – Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa la dhigay isbitaal kadib markii todobaadkan laga helay safmareenka Coronavirus, sidda ay Khamiista maanta ah ku dhawaaqdey Madaxtooyadda wadankaas.

"Kalkii hore wuxuu aaday guriga balse wuxuu go’aansaday in uu u dhaqaaqo isbitaalka. Si uu u galo karantiil ee maahan in uu dad kale qaadsiiyo," sidaas waxaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay afhayeenkiisa.

Afhayeenka oo ka warbixineysa xaalka madaxweynaha ayaa ku daray: "Xaalada bukaanada way wanaagsan tahay. Ma jirto khatar balaaran".

Zelenskyy ayaa Isniintii wuxuu sheegay in laga helay Covid-19. Mas'uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirada Maaliyada iyo Difaaca si lamid ah Lataliyaha sare ee Zelenskyy ayaa si lamid ah la wariyey in ay qaadeen cudurka.

Kiisaska fayruska ee gudaha Ukraine ayaa bilaabay in ay kordhaan dabayaqada bishii September, waxaana wali ay yihiin kuwa sii badanaya.

Dowladda ayaa ku qasbanaatay in ay xayiraadaha loosoo rogay fayruskan awadiisa in ay sii kordhiso isla markaana gaarsiiso illaa dhamaadka 2020.

Arbacadii, golaha wasiirada Zelenskyy ayaa meelmariyey in dhamaadka todobaadkii lasoo rogo bandow heer qaran ah si loo baajiyo faafitaan horleh oo uu caabuqa sameeyo, arrintaas oo saameyn xoogan yeelaneysa.

Illaa haatan, Ukraine ayaa diiwaan-gelisay kiisas gaaraya 500,865, iyadoo dhimashada ay sii mareyso 9,145, sidda ay muujineyso xog-uruurinta ay sameysay Wasaaradda Caafimaadka oo ku talisay af-saab iyo kala fogaanshiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM