Madaxweyne isku casilay jahwareer ka dhashay doorasho baarlamaan

Image

BISHKEK, Kyrgyzstan – Madaxweynaha Kyrgyzstan ayaa is-casilay kadib markii doorashooyin baarlamaan oo lagu murmay ay ka dhasheen mudaaharaadyo, sidda lagu soo bandhigay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

"Aniga awooda ma maroor-sanayo," ayuu Sooronbay Jeenbekov yiri, isagoo intaas ku daray "ma rabo in aan noqdo madaxweyne lagu xasuusto in uu rasaas ooga uga qaadey muwaadiniinta waddankeyga aan jeclahay".

Xasilooni darada oo bilaabatay horaantii October ayaa timid markii doorashooyinka baarlamaanka ay kusoo baxeen murashaxiin taageersanaa Jeenbekov taasoo mucaaradka ka gadoodey.

Kyrgyzstan, dal xuduud la leh China kuna nool yihiin 6.5 milyan oo ruux, ayaa qalalaasaha uu galay waxaa horkacayey mucaaradka oo ku doodey in coddeyntu hareeyeen cod-iibsasho iyo sinaan la'aan kale.

Kormeereyaasha ayaa doorashada ku sheegay "mid cadaalo darro ah," waxaana dhawaqaas kadib banaanbaxayaasha ay awood ku galeen dhismeyaal dowladeed iyagoo Jeenbekov ku booriyey in uu is-casilo.

Jeenbekov ayaa caasimada Bishkek wuxuu kusoo rogay xaalad deg-deg ah iyo bandow markii dibad-baxyaddu sii xoogeysteen. Ciidamada milatariga waxaa lagu soo daabulay guud ahaan magaala madaxda.

Talaabooyinkaas ayaa qaboojiyey xiisadda, waxaana ay meesha ka saareen cabsi laga qabay in ay dhacdo bilaliqo. Bakhaarada iyo Bangiyada oo todobaadkii hore la xiray waxay haatan yihiin kuwa dib loo furay.

Jahwareerkan ayaa ahaa midkii saddexaad oo muddo 15 sano gudaheeda ah ay dowlad isku casisho gudaha dalka Kyrgyzstan, mid kamida wadamada ugu saboolsan ee ka tirsanaa Midowgii Suufiyiinta.

Madaxweyneyaashii talinayey 2005 illaa 2010 ayaa ku baxay kacdoon shacab, iyaddoo mudaaharaadyada haatan lasoo wariyey ay riixayaan qabiilo iska soo horjeedda kuwaasoo jaan-googaya siyaasadda Qarankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM