Madaxweyne Kabila oo magacaabay Ra'isal wasaare

Image

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqaraadiga ee Kongo, Joseph Kabila, ayaa magacaabay Ra'isal wasaaraha dalkaas.

Wuxuu booskan u magacaabay Bruno Tshibala inuu noqdo Ra'isal wasaaraha dowladda awood wadaagga ah.

Mr Tshibala ayaa dalka hogaamin doona ilaa iyo inta laga qabanayo doorashada madaxweynaha, dabayaaqada sannadkan.

Joseph Kabila, ayaa magacaabistan sameeyay Jimcihii, wuxuuna ninka badalayaa Samy Badibanga, kaasoo xafiiska iska casilay Khamiistii hore.

Tshibala, wuxuu waqti dheer katirsan xisbiga (UDPS) isagoo kasoo noqday ku-xigeen Xoghaya guud, kahor intan laga saarin xisbiga bil ka hor ka dib markii uu u tartamay inuu noqdo qofki beddeli lahaa hogaamiyihii ruugcadaaga ahaa, Etienne Tshisekedi, oo dhintay bishii Febraayo.

Waxaa loo arkaa Tshibala in magacaabistiisu sii kala fogaynayso kala qaybsanaanta mucaaradka Mr Kabila, ka dib markii uu burburay wadaxaajood ku saabsanaa sidii uu awoodda u wareejin lahaa todobaadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM