Madaxweyne raaligeliyey bixiyey kadib markii laga helay Coronavirus

Image

WARSAW, Poland – Madaxweynaha 48-jirka ah ee Poland oo xaqiijiyey in uu uu soo ritay Covid-19 ayaa raaligelin siiyey shaqsiyaadka la tuhunsan yahay in uu qaad-siiyey fayruska kadib markii ay maalmo kahor kulmeen.

Andrzej Duda oo ku biiraya hogaamiyeyaasha caalamka ee aafadan ay saameysay ayaa Jimcadii laga qaadey tijaabadda waana laga helay cudurka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu ku muujiyey sidda uu uga xun yahay in uu haleelo safmareenka khatartiisu badan tahay.

"Waxaan jeclaan lahaa in aan raageliyo dhamaan dadka karantiilka u galay in ay aniga ila kulmeen maalmihii ugu dambeeyay," ayuu yiri. "Hadii aan isku arki lahaa calaamado, fadlan i aamina, dhamaan shirarka waan baajin lahaa".

Madaxweynaha Bulgeria oo karantiil galay iyo xidigta Tayniska ciyaarta ee Iga Swiatek ayaa kamid ah dadkii u dambeeyay oo ay wada kulmeen.

Wallow ay wateen af-saabka, haddana aad ayay isugu dhowaayeen waxayna sameeyeen gacan-qaad taasoo walwalka sii kordhineysa.

Madaxweynaha ayaa awoodihiisa muhiimka ah sidda siyaasadda arrimaha dibadda iyo saxiixda shuruucda wuxuu ku waarijiyey ra'iisul wasaarihiisa Mateusz Morawiecki kaasoo shaqadda dowladda sii wadi doona.

Poland oo ah dal ay ku nool yihiin 38 milyan ruux ayaa Jimcadii wuxuu diiwaan-geliyey in ka badan 13,600 xaalado cusub oo ah Coronavirus, iyaddoo ay u dhinteen 179, waxaana lasoo kordhay bandow aad u balaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax Culus oo ka dhacay Goma, Koonfurta  Kongo, 700 qof oo la dilay

Afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ka digay in tirada dhimashada ay sii kordhi doonto.

  • Caalamka

    01-02-2025

  • 07:28AM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM