Madaxweyne Trump oo La Filayo Inuu Xilka Ka Qaado Lataliyihiisa Amniga Qaranka Michael Waltz

Image

GAROWE ONLINE – Wararka laga helayo warbaahinta Mareykanka, oo ay horkacayaan CBS News iyo suxufiga caanka ah Mark Halperin, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump qorsheynayo inuu shaqada ka eryo Lataliyihiisa Amniga Qaranka Michael Waltz iyo ku-xigeenkiisa Alex Wong.

Michael Waltz, oo horey xildhibaan uga soo noqday gobolka Florida, ayaa loo magacaabay xilkan bilowgii xukunka labaad ee Trump, 20-kii Janaayo. Xilka uu hayo ma u baahna ansixinta Senate-ka Mareykanka.

Sababta xil-ka-qaadista Waltz ayaa la sheegay inay salka ku hayso qalad dhanka isgaarsiinta ah, kadib markii si kama’ ah uu weriye ugu daray koox wadahadal ah oo lagu falanqeynayey qorshayaal weerar milatari oo Mareykanku la damacsanaa Yemen bishii Maarso. Weriye Jeffrey Goldberg, tifaftiraha guud ee jariidada The Atlantic, ayaa markii dambe faahfaahin buuxda ka qoray dhacdadaas, isagoo xitaa baahiyey sawirrada shaashadda ee wadahadalka Signal-ka.

Dhacdadan ayaa dhaleeceyn xooggan kala kulantay xisbiyada siyaasadeed, iyadoo Dimoqraadiyiintu ku tilmaameen inuu jiray maamul xumo ku saabsan xogaha xasaasiga ah ee amniga qaranka. Inkastoo qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga ay muujiyeen walaac, maamulka Trump ayaa sheegay in macluumaadkaasi aanu ahayn mid sir ah, wuxuuna madaxweynuhu si joogto ah u difaacay Waltz.

“Michael Waltz wuu bartay casharkiisii, waana nin wanaagsan,” ayuu Trump u sheegay NBC News dabayaaqadii bishii Maarso.

Wararka weli waa soo kordhayaan, wixii faahfaahin ah ee soo kordha ayaannu dib idinkaga soo sheegi doonaa.

Related Articles

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM

Araghchi: Ma jiro qorshe lagu daldalayo dibadbaxayaal, Trump-na wuu joojiyay weerarka

Trump ayaa arrintan ka hadlay saacado kaddib markii Mareykanku bilaabay in uu ka saaro qaar ka mid ah shaqaalihiisa saldhig ciidan oo ku yaalla Qatar.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 05:28AM