Madaxweynihii dalka Burkina Faso oo is casiley

Image

November 1, 2014 (GO)- Madaxweynihii dalka Burkina Faso Blaise Campaore ayaa xilka ka degey kadib mudo 27 sano ah oo wadankaas uu madaxweyne ka ahaa.

Campaore oo 63 jir ah khudbad uu shalay telefishinka dalkaas ka jeediyey wuxuu ku sheegay in isagoo tixgelinaya rabitaanka shacabka kana taxadaraya rabshado siyaasadeed uu go'aansaday inuu istiqaaladiisa dhiibto.

"anigoo ilaalinaya dimuqraadiyadda iyo xasiloonida dalka, waxan iclaaminayaa inaan xukunka ka degey si loo bilaabo marxalad kumeel gaar ah muddo sagaashan maalmood gudahood ahna loogu qabto doorasho xor ah islamarkaana hufan" Blaise Campaore ayaa yiri.

Is casilaada Campaore ayaa timid maalin kadib markii dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedey isku day uu doonayey in uu xukunka kusii dheereysto ka dheceen caasimadda Ouagadougou, dibadbaxayaasha ayaa dab qabadsiiyey xarunta baarlammaanka iyo dhismayaal kale oo dowladeed.

Markii warka sheegaya is casilaadda madaxweynuhu soo baxay, kumannaan qof ayaaa isugu soo ururay fagaareyaasha waaweyn ee Ouagadougou si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan qaabka ay tallaabadaas ugu faraxsan yihiin una soo dhoweynayaan.

Dhanka kale ciidamada qalabka sida ee Burkina Faso ayaa labo garab u kala jabay kadib markii lagu murmay cidda sii haynaysa talada dalka. Taliyaha guud ee ciidamada Burkina Faso Jen. Honore Traore ayaa goor hore oo shalay ahayd ku dhawaaqay in talada dalka isagu si kumeel gaar ah usii hayn doono, haseyeeshee waxaa isna xalay ku dhawaaqay in talada dalka uu hayn doono ku-xigeenka madaxa ciidamada madaxtooyada Burkina Faso Isaac Zida.

Ugu yaraan 30 qof ayaa geeriyoodey in ka badan 100 kalena way ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata oo maalmihii u dambeeyey dalkaas ka dhacayey loogana soo horjeedey wax ka badel la doonayey in lagu sameeyo dastuurka si Blaise Campaore xukunka usii dheereysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo joojiyey gargaar cunto oo nafbadbaadin u ahaa malaayiin carruur ah

Cilmibaareyaal caafimaad iyo ururo samafal ayaa uga digay Dowladda…

  • Caalamka

    18-04-2025

  • 06:35AM

Trump oo Xiraya 10 Safaaradood iyo 17 Qunsuliyad, si u dhimo Miisaaniyada Dibadda

Qunsuliyadaha la soo jeediyay in la xiro ayaa inta badan ku yaal Yurub, kuwaasoo ay ku jiraan goobo dalxiis oo ay jecel yihiin Mareykanka.

  • Caalamka

    16-04-2025

  • 09:31AM