Madaxweynihii dalka Zambia Michael Sata oo geeriyoodey

Image

October 30, 2014 (GO)- Madaxweynihii dalka Zambia Michael Sata ayaa ku geeriyoodey isbitaal ku yaalla magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

Sata oo 77 jir ahaa wuxuu in muddo ah la daalaa dhacayey xanuun aan noociisa la shaacin isagoo labadii todobaad ee u dambeeyey ku jirey isbitaalka King Edward VII.

Qaar kamid ah qaraabadiisa ayaa la joogey xiligii uu geeriyoonayey sida uu warbaahinta u sheegay Xoghayaha Golaha Wasiirrada Zambia Roland Msiska.

Xilka madaxweynaha Zambia waxaa si kumeel gaar ah usii hayn doona Guy Scott oo ahaa ku-xigeenkii Michael Sata.

Sida uu dhigayo dastuurka dalkaasi waa in doorashado dhacdo muddo sadex bilood gudahood ah si loosoo doorto madaxweynaha cusub ee dalka.

Michael Sata  wuxuu Zambia madaxweyne ka ahaa sadex sano isagoo ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee dhacday sanadkii 2011.

Meydka Sata saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in dib loogu soo celiyo caasimada Zambia ee Lusaka halkaasoo aas qaran loogu sameyn doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM