Madmadow soo wajahay xubinimada Ruushka ee G20
WASHINGTON, USA - Wakaaladda wararka, Reuters ayaa sheegtay, iyadoo soo xiganeysa ilo-wareedyo in Maraykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ay ka fiirsanayaan tallaabo ay suurtagal tahay in Ruushka looga saaro wadamada ku bahoobay G20.
Wakaallada ayaa sidoo kale baahisay in Poland ay talaadadii u soo jeedisay saraakiisha Maraykanka in ay kooxda ka bixiyaan Ruushka, waxayna sheegeen in ay heleen jawaab wanaagsan.
Wadamadan ka mid ka ah G20 oo ah koox ka kooban kuwa ugu waaweyn ee dhaqaalaha adduunka ayagoo ujeedadooda tahay wax ka qabashada arimaha saameeya dhaqaalaha dunida sida isbedelka cimilada iyo horumarka.
Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in arrintan ooga sii dari doonto cunaqabataynta dhaqaale ee lagu soo rogay wadanka Ruushka iyadoo ay u badan tahay in ay diidaan dalalka Shiinaha, Hindiya iyo Sacuudi Carabiya oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan G20.
Waxaa la saadaalinayaa in xulafada G7 ee reer galbeedka ay qaadacaan shirka sanadlaha ah ee kooxda.
Mr. Jakarta oo ah gudoomiyaha G20 ayaa diiday in uu ka hadlo warar sheegayay in uu helay digniino ku saabsan qabashada shirka sanadkan.
Lataliyaha amniga qaranka Mareykanka ayaa talaadadii wax laga weydiiyay arintan waxuuna yiri, “Waxaan aaminsanahay la tacaamulka ganacsi ee Ruushka in uu san noqon Karin sidii caadiga ahayd ee oo la dhaqmi jireen hay’adaha caalamiga ah iyo beesha caalamka intaba.”
Ruushka ayaa sanadii 2000-kii ku biiray wadamada G7 markaas oo magaca kooxda loo badalay G8 waxaana mar kale dib looga saaray sanadii 2014.
Moscow ayaa cadaadisyo badan la kulmeysa tan iyo markii ay duulaanka ku qaaday dalka Ukraine waxaana soo badanaya talaabooyinka lagu wiiqayo awoodooda.
Waxaa jiro go’aamo qaraar oo laga qaatay Ruushka waxaana ka mid ahaa markii laga la joojiyay nidaamka xawaaladeed oo la aaminsan yahay in ay sabab u tahay hoos u dhaca ugu badan ee dhaqaalaha.
Haddii qorshaha looga saarayo G20 uu meelmaro, waxay tani ka dhigeysaa in Ruushka uu san ka mid ahaan doonin fadhiyada looga hadlayo arimaha dhaqaalaha dunida taas oo dhaawac weyn ku noqon doonto.
GAROWE ONLINE