Magaalada barakeysan ee saaran shiishka xigga ee Putin

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaa la sheegay in uu muhiim u arko qabsashadda magaaladan.

KYIV, Ukraine – Dowladda Ukraine ayaa todobaadkan waxay shaaca ka dhigtey in ciidamadeeda ay si buuxda ugu guulaysteen inay joojiyaan duulaanka milatariga Ruushka ee magaalada dekedda leh ee Odesa.

Ciidamada badda ee Ruushka ayaa bilaabay duqeymo ay ku garaacayeen afaafka hore ee dekedda, iyadoo tani ay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in dadka Ukraine looga gooyo badda madow.

Xildhibaanka laga soo doorto magaaladdan Oleksiy Goncharenko - oo hadda ku sugan magaalada caasimadda ah ee Kyiv - ayaa BBC-da uga warramay xaaladda Odesa.

"Vladimir Putin wuxuu Odesa u arkaa mid ka mid ah magaalooyinka xurmada leh ee Ukraine," ayuu yidhi. "Wuxuuna u weeraray sababtoo ah waa magaalada ugu weyn ee ku taal Badda Madow".

Goncharenko ayaa hadalkiisa intaas wuxuu ku daray: "Markii ugu dambeysay ee Odesa la duqeeyo waxay ahayd Naasiyiintii 80 sano ka hor, Putinna waa Hitler-ka qarniga 21aad".

Xildhibaanku ma rumaysna in Putin uu hadda diyaar u yahay wada xaajood nabadeed, wuxuuna sheegay in aanu joojin doonin, ama aanu wada xaajood dhab ah samaynayn, ilaa uu garwaaqsado in aanu waxba u qaban karin Ukraine.

"Waa in cunaqabatayn caalami ah lagu soo rogo Ruushka si aanu Putin u awoodin in uu sii wado dagaalka," ayuu ku daray Goncharenko u gogol-raacaya kordhinta xayiraadaha shaqsiga ah ee Putin.

Waxa uu intaa ku daray in Ukraine ay u baahan tahay in ay hesho hub badan - ma aha oo kaliya hababka difaaca hawada, laakiin diyaaradaha, sababtoo ah Ruushka ayaa hadda "faa'iido u leh hawada".

Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dadka reer Ukraine ay u dulqaadanayaan cadaab nololeed, wuxuuna ka digay in xaaladdu ay noqonayso mid aad u burbursan oo aan la saadaalin karin saacad kasta.

"Dagaalku meelna kuma socdo, si degdeg ah," ayuu Antonio Guterres u sheegay wariyeyaasha xilli ku sugnaa New York, isagoo ku tilmaamay mid aan guul laga gaarin.

Wuxuu xusay: "Sii wadida dagaalka Ukraine waa mid anshax ahaan aan la aqbali karin, siyaasad ahaan aan la difaaci karin, iyo ciidan ahaan aan macno lahayn. Waa in la joojiyo dagaalka, fursadna la siiyo nabadda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM