Malaayiin ku barakacay dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image
Image
Image
Image
Image

NEW YORK, US – Inkasta oo lagu baaqayo xabad joojin sababo la xiriira cudurka faafa ee Coronavirus, rabshadaha iyo colaadaha ayaa dhabaha u xaaraya in ay dadka ku qasbaan in ay guriyahooda ka cararaan, waxaana sanadkan barakacay tiradii ugu badneyd, sidda ay shaaca ka dhigtey Qaramada Midoobay.

Dhamaadka sanadkii 2019, tirro dhan 79.5 milyan oo qof ayaa ku noolaa xaalad barakicin iyo barakac, oo ay ku jiraan ku dhowaad 30 milyan oo qaxooti ah – taasoo ah in ka badan boqolkiiba hal guud ahaan dadka adduunka.

Hay'adda qaxootiga ee UNHCR ayaa Arbacadii sheegtay in tirooyinka hordhaca ah ay muujinayaan in dad badan lagu qasbay inay qaxaan sannadka 2020, taasoo wadarta gaarsiineysa 80 milyan oo ruux.

Madaxa hay'adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay, Filippo Grandi ayaa yiri: "Waxaan hadda u gudubeynaa taariikh kale oo xun taasoo sii socon doonta in ay kororto illaa ay madaxda caalamka ka joojiyaan dagaallada".

Bishii Maarso, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Antonio Guterres, wuxuu soo jeediyey xabad joojin caalami ah inta adduunku la dagaallamayo masiibada Covid-19, oo illaa haatan u dhinten in ka badan 1.5 milyan oo qof".

Si kastaba ha noqotee, inkasta oo kooxaha qaar ay u dhega nuglaadeen baaqaas, UNHCR waxay sheegtay in tirooyin hordhac ah illaa qeybta hore ee sanadka 2020 ay muujinayaan in rabshadaha Syria, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Mozambique, Soomaaliya iyo Yemen ay sababeen barakac cusub.

Gobolka bartamaha ee Sahel ayaa sidoo kale lagu arkay barokac cusub oo muhiim ah sababo la xiriira rabshado, oo ay ku jiraan kufsi iyo dil, ayay sheegtay UNHCR.

"Barakaca qasabka ah oo laba jibaarmay tobankii sano ee la soo dhaafay, bulshada caalamku waxay ku fashilantay inay ilaaliso nabadda," ayuu xusay Grandi.

Covid-19 oo "carqaladeeyay nolosha bini'aadamka"

Hay'adda UN-ka ayaa tilmaamtay in iyaddoo lagu mashquulsan yahay baajinta colaadaha, dhibaatada Coronavirus-ka uu "carqaladeeyay dhinac walba oo nolosha aadanaha ah oo ay kamid tahay barakicinta qasabka ah".

"Talaabooyinka lagu xakameynayo faafitaanka COVID-19 ayaa adkeeyay qaxootiga inay helaan amaan," ayaa la raaciyey warbixinta.

Kadib markii uu dilaacay dhamaadka sanadkii hore 2019, safmarka Coronavirus ayaa sababay in 168 ay xiraan xuduudahooda, halka 90 kamid ahna ay joojiyeen in ay qaabilaan muhaajiriin cusub.

"111 dal oo kamid ah ayaa tan iyo xilligaa sameeyay xalal wax ku ool u ah qaxootiga si loo hubiyo magangalyadooda," ayay UNHCR raacisay qormadda.

Sidda ay warisay saxaafadda, Iyada oo ay taasi jirto, codsiyada cusub ee magangalyada ayaa hoos u dhacay saddex meelood meel intii lagu jiray qeybtii hore ee sanadkan marka la barbardhigo isla muddadaas sanadka 2019.

"Intaas waxaa wehlisa, tirada qaxootiga nugul ee dib u dejinta loogu sameeyay waddammada dabaqadda saddexaad ayaa kala bar la dhimay, waxaa laga dhigay keliya 17,400 qeybtii hore ee sanadkan," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta kasoo baxdey Hay'adda ka tirsan Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo joojiyay xogihii dhanka Sirdoonka ee CIA-da la wadaagi jirtay Ukraine

Tan iyo bilawgii dagaalka ee sannadki 2022-kii, Maraykanku waxa uu Ukraine siinayay xogo sirdoon oo muhiim ah.

  • Caalamka

    06-03-2025

  • 07:08AM

Madaxda Jaamacadda Carabta oo isku raacey inay diidaan qorshaha Trump ee Gaza

Ururka Xamaas oo Maraykanku u aqoonsaday argagixiso ayaa soo dhaweeyay hindisahan balse Israel ayaa dhaleeceysay.

  • Caalamka

    05-03-2025

  • 12:20PM