Malaysia oo isbedel ku sameynaysa sharci dulminaya haweenka

Image

KUALA LUMPUR, Malaysia - Ra’iisul wasaaraha waddanka Malaysia, Anwar Ibrahim, ayaa Isniintii sheegay in la soo saari doono sharci cusub oo ku saabsan carruurta dibadaha ku dhashay balse hooyadooda ay tahay Malaysian.

Dalka Malaysiya ayaan dhalasho siinin caruurta dibada ku dhasha ee hooyadooda ay Malaysiyan-ka ay tahay balse waxaa loo ogol yahay ubadka ay aabayaashoodu u dhasheen waddanka Malaysia.

Anwar ayaa xusay in ujeedada laga leeyahay xeerkan cusub ay tahay in la xaqiijiyo in hooyooyinka Malaysia la siiyo xuquuq siman sida uu qabo dastuurka federaalka.

Jariiradda afka dheer ee lagu magacaabo Free Malaysia Today ayaa intaas ku dartey in go’aankan ay si weyn u taageereen haweenka Maleysia.

"Ma ahan cadaalad in aabaha kaliya loo ogolaado dhalashadda. Taasi waa arrinta kaliya ee la soo bandhigayo, "ayuu Anwar u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan shir ka dhacay Kuala Lumpur.

Malaysia oo ah dal ku yaalla Koonfur Bari ee qaaradda Aasiya ayaa haweenka waxay ka yihiin 48.9%. Sidda ay muujineyso tirokoob la sameeyay 2020-kii, dadka dalkan ayaa 63.5% waxay yihiin Muslimiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM