Malta: Soomaali maxkamad loosoo taagay dhaafinta Jaadka
VALLETTA, Malta - Soomaali ayaa waxaa maxkamad loogu soo taagay gudaha waddanka Malta eedeymo ku saabsan in uu si qarsoodi ah dalkaas ku geliyey maandooriyaha Khaadka, sida uu ku waramay bogga NewsBook.
Sida laga soo xigtay warbixinadda laga helay xeer-beegtadda, shaqsigan oo magaciisa aan lala wadaagin saxaafadda madaxa-banaan ayaa lagu qabtey boorso ay ku jiraan sideed kiilo oo Qaad ah.
Marshal Mallia oo ah taliye ka tirsan booliska ayaa u sheegay maxkamadda in macluumaad ay ka heleen telefoonka eedeysanaha ay muujinayaan in uu isagu yahay qofka maandooriyaha mulkiilaha ka ah.
Intii ay socotay dhageysiga dacwadda, latuhunsanaha oo da'diisa lagu sheegay 50-sano jir ayaa ku adkeystay in uusan sameyn qalad ah taasoo la macno ah in uu iska fogeeyay dacwadda lagu soo oogay.
Qareenada eedeysanaha oo lagu kala magacaabo Franco Debono iyo Francesca Zarb ayaa codsaday in damiin lagu sii daayo, iyagoo ku dooday in ninkan uu xiriir adag la leeyahay Malta
Mid kamid ah qodobadda ay cuksadeen waxaa kamid ah inuu Malta ku nool yahay muddo 16 sano ah, uuna la shaqayn jiray booliska kuwaasoo dhankooda xusay in ay soo qabtey isaga oo Jaadka dhoofinaya.
Codsigaas ayaa waxaa ka hor yimid xeer ilaalinta oo sheegtay in ay ka baqayaan in uu la yimaado marqaatiyaal rayid ah oo ka fogeeya kiiska. Waxa kale oo ay ku doodeen in aanu Malta xidhiidh ku filan la lahayn.
Garsooraha maxkamadda Gabriella Vella ayaa diiday codsigaas. Si kastaba, maxkamaddu waxay ka codsatay xeer ilaalinta inay u yeeraan dhammaan markhaatiyaasheeda rayidka ah ee halaya fursadda ugu horreysa.
GAROWE ONLINE