Maraykanka oo cuna qabateyntii hubka ka qaadey Masar

Image

April 1, 2015 (GO)- Maraykanka ayaa shaaciyey inuu cunaqabateyntii dhanka hubka ka qaaddey dalka Masar islamarkaana u oggolaadey Dowladda Masar inay soo dhoofsato saanad militeri oo labo sano kahor ay iibsatey.

War-saxaafadeed shalay oo Talaado ahayd kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Barack Obama amarkan bixiyey.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu xusey in ujeedada tallaabadan loo qaaday tahay sidii loo ilaalin lahaa maslaxadda dowladda Maraykanka islamarkaana loo taageeri lahaa xasilloonida dalka Masar.

Saanadda militeri ee dowladda Masar loo ogolaadey inay lasoo degto ayaa isugu jirta labo iyo toban diyaaradood oo noocoodu yahay  F-16, labaatan gantaal oo ah nooca loo yaqaan Harpoon  iyo weliba qalabka lagu dayactiro taangiyada.

Maraykanka ayaa sannad walba siiya dalka Masar adduun lacageed oo gaaraya 1.5 bilyan oo doolar. Lacagtaas 1.3 bilyan oo kamid ah wuxuu si gaar ah maraykanku ugu taageeraa militeriga Masar halka 200 oo milyanna uu ku bixiyo kobcinta dhaqaalaha iyo dhiiri gelinta dimuqraadiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM