Maraykanka oo Iran uga digey inay taageero siiso Xuuthiyiinta

Image

April 9, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa uga digtey Iran inay faragelin ku samayso xaaladda dalka Yemen islamarkaana taageero militeri u fidiso mileeshiyada Xuuthiyiinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in Maraykanku si deg deg ah uga jawaabi doono tallaabo kasta oo Iran qaado taasoo loo arko inay wax u dhimeyso ammaanka Bariga Dhexe.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku kaalmo u fidin doono wadan kasta oo ku yaalla Bariga Dhexe kaasoo cabsi ka qaba dhibaato uga timaada dhanka Iran.

Hadalka John Kerry ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii dowladda Iran sheegtay inay maraakiib dagaal usoo direyso Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Iran oo kasoo horjeedda duqeymaha Sucuudiga iyo xulafadiisu ka wadaan dalka Yemen ayaa la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba siiso kooxda shiicada ah ee Xuuthiga.

Arintan ayaa dadka siyaasadda bariga dhexe ka faalloodaa waxay aaminsan yihiin inay wax u dhimi doonto wadahadalladii dhanka nukliyeerka ee u socdey Iran iyo lixda dowladood ee dunida ugu awoodda weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM