Maraykanka oo Xayiraadii ka qaaday Qaxootiga

Image

Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday inay mamnuucistii ka qaaday waddamo muslimiin u badan oo markii Madaxweyne Trump xilka la wareegey uu saaray Xayiraad ah inaysan gali karin dalkaas.

War kasoo yeeray Xoghayaha amniga gudaha waddanka Maraykanka, Kirstjen Nielsen, ayaa lagu sheegay in Qaxootiga loo ogolaan doono inay galaan USA, balse ay wajihi doonaan nidaam adag oo ah baaritaan iyo in la hubiyo waxa ay yihiin.

Haweynaydan ku xeel dheer arrimaha amniga, ayaa sidoo kale tilmaamtay in Maraykanka muhiimadda uu siin doono ogaanshaha qofka soo galaya dalkiisa, islamarkaana aad loo hubin doono qaxootiga ka imaanaya 11 dal oo horay loogu diiday in muwaadiniintoodu soo galaan dal weynaha Maraykanka.

Kirstjen Nielsen, faah faahin dheeraad ah kama bixin sababta keentay in Maraykanku ka laabto go'aankiisii hore, xilli ay sii kordhaysay walaaca Qaxootigu ka qabo dalka Maraykanka.

Tan iyo markii go'aankaas uu dhaqan galiyay Madaxweyne Trump 23 qof kaliya oo qaxooti ah ayaa galay dalka Maraykanka, halka ay jiraan dad dib loogu soo celiyay dalalkii ay ka yimaadeen markii hore.

Donald Trump, ayaa aaminsan in Qaxootiga ka yimaada dalalka ay kamid yihiin; Masar, Iran, Ciraaq, Liibiya, Mali, Kuuriya Waqooyi, Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, Suudaan, Suuriya, iyo Yemen.

Qiyaas la sameeyay ayaa dhigaysa in 40% saddexdii sano ee u dambaysay qaxootiga galay Maraykanka ay ka yimaadeen waddamadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM