Mareykanka: Dad ku dhintey toogasho lala beegsaday xaflad dhalasho

Image
Saraakiisha ayaan kala caddeyn xogta ku saabsan in dad loo soo qabtay toogashadaas iyo in kale.

WASHINGTON, USA - Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday gobolka Alabama ee dalka Mareykanka, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah Axaddii.

Toogashada oo ka dhacday magaalada Dadeville ayaa waxaa lala beegsaday xafladda dhalashada wiil dhalinyaro ah taasoo qabsoontey habeenimadii Sabtida ee todobaadkan.

Sarkaal ka tirsan Hay'adda Dhaqangelinta Sharciga ee Alabama, Jeremy Burkett, ayaa shir jaraa'id subaxnimadii Axadda in ciidamada ay baaris ku bilaabeen falkan, sidda laga soo xigtey MSNBC.

"Abaarihii 11:45 duhurnimo, Saraakiisha Gaarka ah ee Hay'adda Dhaqangelinta Sharciga Alabama's (ALEA) Xafiiska Baarista Gobolka (SBI) ayaa bilaabay baaritaan dhimasho kadib codsi ka yimid Taliyaha Booliska Dadeville," ayay ALEA ku tiri hadal ay soo saartay.

Saraakiisha ayaan la wadaagin warbaahinta iyo dadweynaha xogta ku saabsan in dad loo soo qabtay toogashadaas iyo in kale. Hase ahaatee, saxaafadda ayaa qortey in ay jiraan tuhmaneyaal.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu gudoomiyaha gobolka Alabama, Kay Ivey ku yiri: “Saaka, waxaan la murugoonayaa dadka reer Dadeville iyo walaalaheyga Alabamiya".

"Dembiyada gacan-ka-hadalka ah meelna kagama jiraan gobolkayaga, waxaanan si dhow ula soconnaa wixii faahfaahin ah ee ay soo saareen sharci fulinta," ayuu fariintiisa kusoo gabagabeeyay isagoo aan fahfaahin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM