Mareykanka: Israa'iil waxaa kusoo socda weerar Iran oo ka wayn midkii hore

Image

WASHINGTON - Sirdoonka Mareykanka ayaa ogaadey in Iran ay qorsheynayso weerar ka wayn midkii April inay ku qaado Israa'iil waqti dhaw, iyadoo adeegsan karta gantaallada Balaastikadda ah.

Mareykanka ayaa arkay calaamado muujinaya in Iran ay isku diyaarineyso inay "si degdeg ah" ku weerarto Israa'iil gantaalaha ballistic-ga ah iyadoo ka jawaabaysa duulaanka dhulka ee Israa'iil ee koonfurta Lubnaan, sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa u sheegay NBC News Maanta.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa ka digay in weerar kasta oo toos ah oo ay Iiraan ku qaado Israa’iil “in uu cawaaqib xun u geysan doono Iran.”

"Waxaan ku jirnaa diyaargarow si aan uga difaacno Israel weerarka," ayuu yiri sarkaalka.

Safaaradda Mareykanka ee Quddus waxay ku amartay dhammaan shaqaalaha dowladda Mareykanka iyo qoysaskooda ku sugan Israa’iil inay "meel ku gabbaad ilaa amar dambe."

Safaaradda ayaa sheegtay in ay "xusuusinayso muwaadiniinta Mareykanka baahida joogtada ah ee taxadarka iyo kordhinta wacyiga amniga shakhsi ahaaneed.

Weerarka la tuhunsan yahay ee Iran ayaa yimid iyadoo ciidamada dhulka ee Israa’iil ay gudaha u galeen koonfurta Lubnaan, taasoo qeyb ka ah weerar ka dhan ah kooxda Xisbullah, oo ay taageerto Iran. Tirada ciidamada Israa’iil ee galay Lubnaan waa “boqolaal,” ayuu sarkaal Israa’iili ah u sheegay NBC News.

Israa’iil ayaa todobaadkii hore ku dishay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan hoggaamiyihii ururka Xisbullah Xasan Nasrallah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM