Mareykanka iyo Ruushka oo qaadey talaabooyin aargoosi ah
MOSCOW, Russia - Xiisada u dhaxeysa Ruushka iyo Mareykanka ayaa sii xumaaneysa maalin ka hor inta aan la qorsheynin in ay kulmaan mas’uuliyiinta ugu sareysa labada dal, iyadoo Moscow ay u dhaqaaqday sidii ay dalkeeda uga saari lahayd dublamaasiyiinta Mareykanka.
Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa Arbacadii sheegtay in shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Moscow ku sugnaa in ka badan 3 sano lagu amray in ay u duulaan guryahooda ugu dambeyn 31-ka Janaayo, tallaabadaas oo u muuqata aargoosi.
Safiirka Ruushka ee Mareykanka ayaa todobaadkii hore sheegay in 27 diblumaasiyiin Ruush ah iyo qoysaskooda laga saarayo dalka ayna baxayaan 30-ka Janaayo.
Talaabadan ayaa timid ka hor kulan la filayey oo dhexmari doona Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony Blinken iyo dhiggiisa Ruushka Sergey Lavrov oo ka dhinac socday shir-madaxeedka Ururka Amniga iyo Iskaashiga Yurub (OSCE) ee ka dhacay magaalada Stockholm maalintii Khamiista.
Safaaradda Mareykanka ee Moscow ayaa ah howl-galkii ugu dambeeyay ee Mareykanka uu ka fuliyo dalkaasi, kaasoo hoos loo dhigay howlwadeenada lagana dhigay ilaa 120 shaqaale halkii ay ahayd 1,200 horraantii 2017, ayay tiri Washington.
Dhimista dheeraadka ah ee lagu sameeyay shaqaalaha safaaradda Mareykanka ayaa cadaadis saari doonta howlgal ay Washington horay ugu tilmaantay inuu ku dhow yahay "joogitaanka ilaaliye".
Ukraine ayaan xubin ka ahayn NATO balse xulafada ayaa sheegay inay ka go'an tahay ilaalinta madaxbanaanida jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka, taasoo u janjeertay dhanka reer galbeedka tan iyo 2014, markii Moscow ay la wareegtay Crimea oo ka tirsan Kyiv iyo gooni u goosadka ay taageerto Moscow ay qabsadeen dhul badan oo ah bariga Ukraine, taasoo hurisay colaad ilaa maanta taagan.
GAROWE ONLINE