Mareykanka iyo Sacuudiga oo boorka jafaya madmadow soo dhexgalay

Image
Washington iyo Riyadh ayaa xiriirkoodu hagaagsaneyn tan iyo markii ay heshiiyeen Iiraan iyo Sacuudiga.

RIYADH, Sacuudi Carabiya - Wasiirka Arimaha dibada Maraykanka, Antony Blinken, ayaa gaaray magaaladda Riyaad ee caasimada boqortooyada Sucuudiga, sidda ay ku warantey warbaahinta waddankaas kuwaasoo si weyn u qaadaa-dhigaya safarkan.

Booqashada oo qaadanaysa muddo saddex maalmood ah ayaa lagu sheegay mid la xiriirta sidii boorka looga jafi xiriirka dublamaasiyadeed ee labada wadan ka dhaxeeya.

Khubarada xiriirka caalamiga ah qaybtood ayaa aaminsan in Sucuudiga iyo Maraykanku ay ku kala aragti duwanaadeen sida loo waajahayo arimaha la xiriira Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan.

Socdaalka Blinken ayaa imaanaya iyada oo Iiraan ay si rasmi ah albaabada ugu furtay safaaradeed Riyaad si loosii anba qaado heshiiskii dhawaan ay Sucuudiga iyo Iiraan ku gaareen Shiinaha.

Heshiiska Boqortooyada Sucuudiga iyo Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan oo dhex-dhexaadisay Shiinaha ayaa la rumeysan yahay in uu kasii careysiiyay Maraykanka.

Iiraan ayaa wada dadaalo ay xal diblamaasiyadeed kula gaarayso wadamada bariga dhexe ee ku hareeraysan kuwaasi oo qaybtood aanay wax xiriir ah ka dhaxayn in ka badan nus qarni.

Dhawaan ayay ahayd markii hanjabaado culus ay hawada isu mariyeen Iiraan iyo Israel iyada oo walaac laga muujinayo in xiisada la xiriirta barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ay faraha ka baxdo oo ay isu rogto mid daganaanshiyo la'aan u horseeda gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM